Guddoomiyaha Maxkamada Sare Ee Soomaaliya Oo Safaro Caalamiya Ugu Baxay Waddamada Maraykanka Iyo Hindiya.

Muqdisho-(OWN)Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta u ambabaxay dalka Mareykanka, halkaas oo uu ka qeyb gali doono shir caalami ah oo looga hadlayo Sharciga, Cadaaladda iyo Horumarka.

“Waxa aan maanta safar shaqo ugu baxayaa dalka maraykanka halkaas oo aan kaga qaybgali doono shir looga hadlayo sharciga, caddaaladda iyo horumarka. Waxa kale oo aan halkaas kulamo kula yeelan doonaa madax ka tirsan Dawlada Maraykanka”ayuu yidhi Guddoomiyaha.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa sidoo kale sheegay in shirkaasi kadib uu tagi doono dalka Hindiya islamarkaana uu kaga qeyb gali doono shir caalami ah.

 

“Waxa kale oo aan halkaas uga sii gudbi doonaa dalka Hindiya oo aan kaga qaybgali doono shirka caalamiga ah

ee Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha Sare ee Adduunka”ayuu yidhi Baashe Yuusuf.

Image result for BAASHE YUUSUF GUDOOMIYAHA MAXKAMADDA

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker