Daacish Oo Sheegatay Weerar Lagu Dilay Dad Kirishtaan ah Dalka Masar

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhimatay weerar maanta oo Jimce ah lagu qaaday gaari bas ah oo siday dad Kirishtaan ah oo booqanayey Kaniisad ku taal wadankaasi. Weerarkan ayaa ka dhacay meel u dhaw Kaniisada Saint Samuel Coptic Christian ee magaalada Minya oo 270km koonfurta uga beegan caasimada Qaahira.

Waxaa la filayaa tirada dhimashada inay sii kororto iyadoo ay jiraan dad badan oo dhaawac ah. Kooxda Daacish ayaa sidan oo kale weerar ay la beegsatay isla kaniisadaasi ku dishay 28 qof bishii Maajo ee sanadkii tagay 2017.

Madaxweynaha Masar Cabdulfatax Al Sisi oo ka tacsiyeeyey falkan ayaa sheegay in dowladiisa ay qaadi doonto hawlgalo ay uga hortageyso kooxaha argagaxisada ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker