“Weli ma hayno caddeymaha dadkii dilay Khaashuqji” Pompeo Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa sheegay in weli ay toddobaadyo naga xigaan, ka hor inta Mareykanka uusan helin caddeymo ku filan si uu cunaqabateyn u saaro dadkii ka dambeeyey dilka suxufiga Sacuudiga, Jamaal Khaashuqji.

Pompeo ayaa radio-ga fadhigiisu yahay magaalada St. Louis ee KMOX u sheegay in maamulka Mareykanka uu sii wado inuu fahmo xaqiiqooyinka ku hareerysan kiiskan, islamarkaana uu diyaariyo cunaqabteyn la saaro dadka ku lugta leh.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyne Donald Trump uu wacad ku maray inuu la xisaabtami doono dadka ku lugta leh “dambigan aadka u xun”.

Khaashuqji ayaa la dilay labadii October, markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Sacuudi Carabiya ayaa bayaan ay soo saartay toddobaadkii tagay ku qiratay in dilka Khaashuqji uu ahaa mid horey loo qoresheeyey, ayada oo lagu saleynayo caddeymo ay ka heleen Turkiga.

Si kastaba, qoraalka ayaan lagu caddeyn cidda horey u qorsheysay dilka.

Mike Pompeo Xoghayaha Arimaha Dibadda Ee Maraykanka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker