War Deg Deg ah:Turkiga iyo mareykanka oo qaaday xayiraadii uu midba midka kale saaray wasiiro ka tirsan dowladahooda.

Turkiga iyo mareykanka ayaa Jimcada maanta ah si wadajir ah u qaaday cunaqabateyntii laba dhinac uu midba midka kale saaray wasiiro ka kala tirsan xukuumadahooda, bilo kadib khilaaf soo kala dhex galay labada dal ee ka tirsan gaashaan buurta Nato.

Arintaan ayaa waxaa lagu xajiijiyay kadib war saxaafadeed ka soo baxay wasaarada arimaha dibeda Turkiga,waxaana lagu sheegay in xaalada ay hada tahay mid caadi ah.

Dhanka kale waaxda maaliyada ee mareykanka ayaa waxay xayiraadii dhanka maaliyada ka qaaday wasiirka arimaha dibeda Turkiga iyo dhigiisa garsoorka.

Turkiga ayaa dhankiisa si taa la mid ah xayiraada ka qaaday xeer ilaaliyaha guud ee mareykanka Jeff Sessions iyo xoghayaha arimaha gudaha Mareykanka Kirstjen M. Nielsen.

Mareykanka iyo Turkiga ayaa isku qoonsadaay xadhiga baadariga lagu magacaabo Andrew Brunson oo turkiga uu ku eedeyay in uu qeyn ka ahaa afganbigii fashilmay ee sanadkii 2016-kii.

Turkiga ayaa ugu danbeyn xabsiga ka sii daayay bishii la soo dhaafay baadarigan kadib markii maxkmada magaalada Istanbul ay ku dhawaaqday in lagu waayay danbiyada lagu eedeyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker