Dawladda Jamhuuriyadda Djibouti Oo Sheegtay In Ay Ku Taagantahay Dhabadii Horumarka + Akhriso Warbixin.

Djibouti-(OWN)-Dalka Jabuuti ayaa waxa uu ka mid noqday 10-ka dal ee ugu wanaagsan xagga nidaamka maalgashiga iyo fududaynta ganacsiga ee caalamka, sida lagu sheegay qiimayn uu Bangiga Adduunku ku sameeyay 190 dal.

Madaxa bangiga aduunka Jim Yong Kim

Waddamada carabta marka loo eegana Jabuuti waxa ay noqotay kaalinta ugu horreysa, oo kaalintii ay markii hore joogtay waxa ay kor uga soo kacday 55 darajo.

Warbixin sanadle ah oo uu shalay soo saaray bangiga aduunka ayaa lagu amaanay heerka kobaca dhaqaalaha dalkaasi.

Bangiga aduunka ayaa qiimayn ku sameeyay dhaqaalaha iyo maalgashiga 190 dal.

Qiimaynta ayaa ku salaysnayd baadhitaan lagu sameeyey xeerarka gacanta ka gaysan kara sahlidda iyo sare u qaadida howlaha ganacsiga.

Warbixinta bangiga aduunka ayaa lagu xusay in dalka Jabuuti laga hirgaliyay shuruuc sahlaysa in maalgashi iyo ganacsi laga sameeyo.

Maxaa sababay sara u kaca maalgashiga Jabuuti?

Jabuuti dekad

Dalka Jabuuti wuxuu ku yaallaa goob istaraatiji ah, waxa uuna dalka ku dhereran yahay badda cas.

Waxaa uu sidoo kale dalku ku yaallaa goob isku xirta Afrika iyo bariga dhexe.

Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Maalgashiga Jabuuti Mahdi Dharaar Obsiye ayaa sheegay in jabuuti ay dadaal dheer u gashay sare u qaadida ganacsiga iyo maalgashiga.

“Markii xukuumadda Jabuuti kaalintaasi ay higsanaysay, inay kaalin uun hesho ma ahayn ee waxay ahayd jaranjarooyiinka loo marayay hormarka dhaqaale, khaasatan abuuritaan fursado shaqo” ayuu yidhi Mr Obsiiye.

Wuxuu sidoo kale sheegay in maalgashadayaasha caalamka ay imika ku soo dhiiran doonaan Jabuuti.

“Maalgashadayaasha adduunku way ku soo hiran doonaan Jabuuti, dhaqdhaqaaqaasina waxa uu keeni doonaa hormar iyo shaqa abuurkii ballaadhnaa ee baaxada lahaa ee la socday “ayuu intaa ku daray.

Xarunta caalamiga ee ganacsiga xorta ah ee Jabuuti

Waxyaabaha gacanta ka siiyay Jabuuti kobaca dhaqaalaha ayaa waxaa ka mid ah sida uu bangiga aduunku sheegay maalgashi ballaaran oo lagu sameeyay kaabayaasha dhaqaalaha.

Waxaa ka mid ah kaabayaasha lagu sameeyay maalgashiga dekedaha dalkaas oo ka mid ah kuwa ugu yaryar qaaradda.

Xigasho:- BBC Somali News

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker