Xirsi iyo Buugiisuba anshax marin qaran iyo mid siyaasiya ayey mudanyihiin 5 sababood dartood !! Dr.khadar-Libaaxley.

4 ta Kitaab ee samaawiga ah, Buug kasta oo miisaankiisa leh iyo Eray kasta oo cuf iyo culeys xikmadeysan leh waxa aaney ka maarmeyn fasir looga qaateen inta badan ku qanci karto ah ; sidaa daraadeed qormadan waxa aynu isku dayi doonaa wixii illaahay inooga fududeeyo faham ka qaadashada Buuga xirsi iyo macnaha uu u taaganyahay:
1. Magac bixinta Buuga xirsi ee ah ( Miyi illaa Madaxtooyo ). Sharci ahaan iyo siyaasad ahaan ba waa gefweyn iyo khalad sideeda u yaala oo taariikhda iyo ummadaba aan u cuntamin !! sababtoo ah magaca buugu waxa uu ka marag kacayaa heer nololeed ay ku lifaaqan tahay darajo iyo maqaam sare oo siyaasadeed kaas oo u macno taagan in xirsi x.cali gaadhay heerka u sareeya ee darajada nolosha siyaasiga oo ah ( Madaxweyne ) balse aaney ummadu igmanin isaga oo noloshiisa ka soo bilaabey miiga/ baadiyaha; sharciyan milgaha iyo xaqa erayga madaxtooyo sumadeeda , darajadeeda iyo faankeedaba waxa ku magac tagi kara oo kaliya cida ummadu u dooratay , Madaxweyne iyo Madaxweyne xigeen; sidaa daraadeed xirsi halkaa waa ku qabsade dafiraaya cidii xaqa u la heyd milgaha sumadan waxaanu mudanyahay anshax marin.
2. si dhaw isku weydii sababta uu madaxweynuhu isku casilaayey dhab ahaan waa xaalad caafimaad daro !! Xasuusta oo Madaxweynaha ku yaraata heer uu isaguba ku qancay , go’aana ku gaadhey in uu is-casilo balse xubno qoyskiisa ka mid ah ka af-qabteen is-casilaadaasi dhici la heyd sida Xirsi Buugiisa ku cadeeyey xaqiiqatan taasi waa ( iin ama nusqaan u macno taagan xaalad caafimaad daro oo dhanka Xasuusta Madaxweynaha la soo daristay isla billihii u horeeyey meesiga mudo xilleedka Madaxweyne Axmed Siilaanyo) hadii go’aanka iyo rabitaanka madaxweynaha sideeda loo fulin la haa , Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan M. Aadan ayuu darstuurku siinayaa in uu Xilka madaxweyne sii wadi lahaa illaa doorasho kadib ; Xirsi X.Cali iyo maxamuud xaashiba khiyaamo qaran ayey dalka ka galeen , maadaama ay xoojiyeen af-ka qabadkii iscasilaada madaxweynaha sabab caafimaad darteed, kana horyimaadeen rabitaankiisii, isla markaana sida uu xirsi buugiisku ku sheegay in ay hortimid isaga iyo kooxdiisa fursad ay ku dukaansadaan tallada dalka ee aan loo dooranin iyaga oo door bidaya daneysi dhuuxeysan oo ay u isticmaalaan haybada madaxweynaha hab-dhaqanka loo yaqaano ( Bir-sol ) oo ah neefka xoolaha ah hadii la asiibo in birta la mariyo/ la gawraco si hilbaha looga faa’ideeyo reerkii neefka la haa, oo looga maanaco in hilbaha la siiyo dugaaga.

Mudane akhriste Lasoco qaybta labaad bari insha’allah.

Dr.khadar -Libaaxley
dr.khadar05@gmail.com
gargorey4@gmail.com
Regional political analysts

10/30/2018.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker