Wasiir Maxamed Kaahin Waa Shaqsi Sumcad Iyo Taariikh Ku Leh Bushada Dhexdeeda Xirsina Been Buu Ka Sheegay

Qofkasta oo bini’aadam ah waxaa uu leeyahay taariikh u baxda oo u gaar ah, taariikhdaas oo ah mid wanaagsan ama mid qaloocan oo aan wanaagsanayn, dhowna qofka ama siyaasiga lagu xanto oo la yidhaahdo ebel intaas ama dhaliishaash ayuu leeyahay.

Sida aynu wada ognahay dhowaan waxaa buug soo saaray wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan, buugaas oo aan lahayn milgihii, akhlaaqiyaadkai, damiirkii qofnimo, daacadnimadii iyo diintii intaba ka aradan ayuu soo saaray xirsi, kaasoo uu ku aflagaadeeyey shaqsiyaadka somaliland ugu mudan, isaga oo muujinaya cadaawada uu u qabo somaliland oo dhan.

Tusaale ahaan ummadda reer somaliland, ilaa hada waxaa ka dhaacici la, cayda uu Xirsi kula kacay madaxweynihii hore ee somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud {Siilaanyo}, oo ah shaqsigii Xirsi, noloshiisa lahaa ee wax dhigay oo halkii ugu saraysiisay uu gaadhsiiyey, halkii uu hambalyayn lahaa oo uu odhan lahaa Siilaanyo waa ninkii noloshayda lahaa kuna faani lahaa ayuu yidhi bil buu ku asaasaqay Siilaanyo.

Waxaa kale oo wax lala yaabo ah sida uu isugu diray dad badan oo sharaf leh oo uu xataa faro geliyey sirtii qaranka iyada oo ay xaaran tahay ama reeban tahay in sirta qaranka la faafiyo, dastuurkuna qorayo qofka sirta qaranka faafiya in sharciga la horgeeyo, Xirsi waxaa uu yidhi General Taani ayaa taliyaha ciidanka asluubta ku eedeeyey oo madaxweynaha iyo golaha wasiirada u sheegay in jabhadii ka soo tegtey xeebaha galbeed ee somaliland 2010-kii, in uu ka danbeeyo taliye Xuudhan, taasoo noqonay danbi qaran oo Xirsi galay loona baahan yahay in maxkamad lagu soo taago.

Waxaa kale oo isweydiin leh su’aasha ah yaa qori ka buug, yaase sheegan kara madaxtooyo?

Marka aad tahay siyaasi ee aad doonaysid in aad iska qortid taariikhdaada ama {Biography}, waa in aad gaadhay hadafkii siyaaseed oo aad rabtay oo aad noqotid madaxwryne, Boqor ama Raysal’wasaare, sida ay sameeyaan hoggaamiyaasha siyaasada aduunka.

Tusaale ahaan, madaxweynahayaasha Maraykanka waxay taariikhdooda qoraan marka ay xukunka ka tagaan, waxaa jira rag khabiiro ah oo in ka badan 30 sano ka soo shaqaynayey aqalka cad ee dalka mareykanka iyo xafiiska raydsal-wasaaraha dalka Ingiriishka ee 10 down Street, oo aan weligood wax ka qorin taariikha aqalka cad iyo ta ingiriiska toona, waayo ma sheegan karaan oo heerkeedii ma ay gaadhin.

Sidee Buu Madxatooyo u Sheegan Karaa Xirsi oo Wasiir Ahaa?

Waxaa arrin aad u fool xun ah in shaqsi dhowrso wasiir ka ahaa madaxtooyada somaliland, uu yidhaahdo waxaan sheegayanayaa madaxtooyo aan buugayga ugu magacdarayaa weliba isaga oo la ogyahay sidii uu ugu takri falay awooda qaranka, muu sheeegto, Madaxweynihii horee alla ha u naxariistee Cabdiraxmaan Axmed Cali, Muu sheegto alla ha u naxariistee raysal-sawaarihii hore ee Somalia ahaana madaxweynihii labaad ee somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, muu sheegto Daahir Rayaale Kaahin oo dhowr iyo toban sano ahaa madaxweyne iyo ku xigeen, muu sheegto Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, 7 sano ahaa madaxweynaha somaliland 40 sannona ku soo jirey Siyaasada soomalida, muu sheegto madaxweynaha hada Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.

Ragaasi waxay gaadheen halkii ugu saraysey ee masab laga gaadho, welin kuma ay faaniin derajada ay gaadheen iyo sidii ay wax u soo maamuleen.

Wasiir Maxamed Kaahin iyo Beenta Xirsi

Waxaa uu been sheegay Xirsi taariikhda muwaajid Maxamed Kaahin Axmed, oo uu yidhi waa beenaale, taasoo ah mid xaqiiqda ka fog, weli Maxamed Kaahin laguma xaman been, waa shaqsi somaliland sumcad ku leh, halgankii la ogaa doorkii uu kulahaa, dib-u-dhiskii dalka la ogaa doorkii uu kulahaa, ilaa hadana la ogyahay kaalinta uu ugu jiro somaliland.

Maxamed Kaahin Axmed, waa shaqsi ay jecel yihiin shacabka somaliland, waa shaqsi bulshadiisa u debecsan oo si wanaagsan ugu adeega, Maxamed Kaahin mar waa mujaawid, marna waa wasiir, marna waa oday nabadeed, marna waa shaqsi masiirka somaliland wax laga waydiiyo ee butdhiga u ah qarankan somaliland.

Ugu danbayntii, Xirsi waxaa uu been shaqeegay taariikhada Mxaamed Kaahin, isaga oo u arka in uu haysto jaanis xirsi horey isaga lumiyey ama fudayd iyo shaydaan dhaafiyey ayuu samaynayaa cayda Mxaamed Kaahin.

Cabdullaahi Axmed, Hargeisa, Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker