Qaar ka mid ah maayarrada magaalo madaxyada dalka ayaa kulan uga furmay Boorama.

Kulankii ururka dawladdaha hoose ee Somaliland ayaa maanta ka furmay degmadda Borame ee caasimadda gobolka Awdal, kulankaas oo sannadkiiba hal mar lagu qabto magaalo madaxyadda goboladda dalka ayaa waxa lagaga hadlayaa qorshaha dawladdaha hoose ee Somaliland, gaar ahaan dejinta qorshaha gaaban iyo ka dheer iyo wixii ay qaban lahaayeen.

Waxaana kulankasi ka qayb qaadanaaya maayiradda magaalo madaxyadda goboladda kala duwan ee dalka marka laga reebo maayiradda degmooyinka Ceerigaabo iyo Laascaanood, sidoo kale waxa goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Axmed Cabdi Nuur, Agaasimaah guud ee wasaaradda shaqo gelinta iyo Bulshadda Maxamed Aadan Ilkacase, Agaasime waaxeedyadda kala duwan ee wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyo hay’addaha la shaqeeya ururka dawladdaha hoose oo ay kamid yihiin TNG Iyo qaar ka tirsan xildhibaanadda Goleyaasha degaanka degmooyinka Somaliland.

Ugu horeyna waxa kulankaasi furay guddoomiyaha ururka Dawladaha hoose ee Somaliand ahna maayirka caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco, badhasaabka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali waxaanay ka warameen qorshaha iyo waxqabadka ururka dawladaha hoose ee Somaliland iyo sida la doonaayo in ay si feejignaan ah uga doodaan qoddobadda horyaala iyo in loo baahan yahay in mid mid loo galo qorsheyaashooda oo loo diyaariyo .

Waxa iyaguna ka hadlay Agaasimeyaasha wasaaraddaha Arrimaha Gudaha Axmed Cabdi Nuur iyo Shaqo gelinta iyo Arrimaha Bulshadda Maxamed Aadan Ilkacase ,waxaanay carabka ku dhufteen in hawshani tahay mid ay wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda Shaqo gelinta iyo Arrimaha Bulshaddu ay aad u danaynayaan.

Waxa isna kulankaasi ka hadlay maayirka martida loo yahay ee degmadda Boorame Saleebaan Xasan Xadi oo soo dhoweeyey masuulyiinta kala duwan ee ka socday dawladaha hoose ee magaalo madaxyadda goboladda Somaliland.

Ugu dambayntii waxa halkaasi ka hadlay agaasimaha ururka dawladaha hoose ee Somaliland Maxamed Cabdi Xaashi (Xamari) oo sheegay in isaga iyo hay’addaha la shaqeeyaa ay garab joogaan maayiradda dawladaha hoose, wax kasta oo looga baahdana ay la garab taagan yihiin maayiradda,Waxaanu kulankani socon doonaa muddo laba maalmood ah.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker