Iran Oo La Sheegay In Gantaaladeeda Ridada Dheer Ay Geysay Wadanka Ciraaq

Wararka kasoo baxay dalka Ciraaq ayaa sheegaya in maleeshiyaadka shiicada ah ee wadankaasi ku sugan oo taageero ka hela Iran ay heleen gantaalada ridada dhexe oo laga keenay Tehran.

Sida ay sheegeen saraakiisha sirdoonka Ciraaq oo xog siiyey wakaalada wararka ee Reuters ayaa xaqiijiyey in maleeshiyaadka shiicada ah Ciraaq ee hubeysan ay todobaadyadii lasoo dhaafay heleen hubka culus ee gantaalada oo ay ciidamada Jamhuuriga Iran geeyeen wadankaasi ay jaarka yihiin.

Tilaabadan ayaa la sheegay inay tahay digniin ku socota Maraykanka, Israel iyo Sacuudiga oo ay Tehran ka cabsi qabto inay kusoo qaadaan weerar gaadmo ah.

Xukuumada Maraykanka oo isaga baxday heshiiskii Nukliyeerka ee sanadkii 2015 wada saxiixdeen Iran iyo Beesha Caalamka, ayaa lagu wadaa todobaadka soo socda inay cunaqabateyn horleh oo dhaqaale kusoo rogto wadanka Iran.

Dowlada Iran oo horey u sheegi jirtay in hubkeeda gantaalada uu yahay mid difaac ah oo kaliya ayaa hada u muuqata inay dar dargelineyso xarumaha gantaalada ay ku leedahay dalalka ay jaarka yihiin gaar ahaan Ciraaq oo ay dooneyso inay u adeegsato forimaha cusub oo ay dooneyso inay ka tuurto gantaaladeeda hadii weerar militari uga yimaado cadowgeeda.

Gantaalada la geeyey dalka Ciraaq ayaa kamid ah kuwa ridada dhexe ee loo yaqaan The Zelzal, Fateh-110 iyo Zolfaqar kuwaasi oo tiiradooda gaarto 200 illaa 700km, waxayna gaari karaan caasimada Riyadh ee Sacuudiga iyo magaalada Tel Aviv ee Israel, hadii gantaaladaasi laga geno koonfurta ama Galbeedka wadanka Ciraaq.

Maleeshiyaadka Shiicada ah ee sida aadka u hebaysan oo saldhigooda yahay dalka Ciraaq gaar ahaan kuwa la baxay Kata’ib Hezbollah ayaa horey xarumo uga sameysay Koonfurta iyo Waqooyiga Ciraaq goobahaasi oo la sheegay inay ku sugan yihiin saraakiil ka socota Iran oo maleeshiyaadkaasi ku wareejiyey gantaalada iyo waliba khubaro ku takhasustay sameynta gantaalada oo ay Iran halkaasi geysay.

Iran ayaa sidoo kale la sheegay inay hawlgelisay Saraakiishii hore ee dowladii Sadam Xuseen u qaabilsaneyd sameynta gantaalada kuwaasi oo u badan shiico ayaa la sheegay in laga hawlgeliyey saldhigyadii gantaalada ee militarigii Sadam Xussen oo ay dib u hawlgeliyeen.

Faraca ciidamada Jamhuuriga Iran ee loo yaqaan Quds Force oo u qaabilsan hawlaha Iran ka wado dalalka Carabta ayaa la sheegay inay hawshan wadeen bilihii lasoo dhaafay, waxaana ciidamadaasi Taliye u ah Gen.Qassem Soleimani.

Sacuudiga iyo Israel ayaa horey ugu eedeenayey in Iran ay gantaalo ku hubeyso xoogaga Xuuthiyiinta Yemen, Xisbullahda Lubnaan, Xukuumada Bashar Al Assad iyo dagaalyahanada Falastiin ee Islamic Jihad & Xamaas ayaan weli ka hadal dhaq dhaqaaqan cusub oo ay Iran ka bilwoday dalka Ciraaq.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker