WAX QORIDDA SOMALILAND OO (REVOLUTION) UU KU SAMEEYEY HIRSI H. CALI- WAA TALAABO AY QORAAGU DHAMMAAN SOO DHOWEEYEEN.

Muddadii ay soo baaxaadegegeysay ee 27ka sano ahayd qaybaha nolosha wadanka Mar walba kobcayey ee horuumar la arko samaynayey waxaa ka mid ah wax qoridu siday u taabo gashay ee ay guulaha aan la soo koobi karin kol walba ku talaabsanaysay. Arimo badan ayaa taa ugu wacan Somalida guud ahaan iyo Somaliland gaari ahaan. Wax qoriduna sideedaba waa iftiin horuumarineed oo xitaa aayadaha Quraanka inoo sheegeen haddii wax wacan la qorayo oo nolosha faaiido ku soo kordhinayo. Anigu qoraa baan isu dhigaa buugaag iyo maqaaloba qora, jecelna in wax la qoro oo hadalkan hawada gelaya ee inoo dhaqanka ah laga gudbo. SANNAD walba waxaa Hargeysa ka dhacay (book fair) oo adduun weynuhu inagu a maantaan  waana guul. Markaa waa Igu waajib inaan Xirsi H. Cali Buugggiisa hambalyeeyo soo bixidiisa isha allaana akhriyo markuu Europe yimaado een si wacan u akhriyo. Laakiin waxaa hordhaciisa aan ka arkay inuu yahay guul u Soo hoyatay Somali guud ahaan iyo Somalilandba Gaar ahaana riyaaq u ah bahda wax qoridda ee Somalida meel ay joogaanba. Xirsi H. CALI NA WAA NIN EDAAB IYO DIIN LEH FILIMAAYO INUU CIDNA CAY U QORAY EE UU XUSUUDIISII SHAQO QORAY OO UMMADDA IYO DALKABA FAAIIDO U LEH MADAAMA UU XAFIISKII SOMALILAND U SAREEYEY WASIIRKII U SAREEYEY KA AHAA. Sideedaba bahda wax qortaa fahmaysa e buug qoridu waa (mental Journey) adigoo aan ka kicin kursiga iyo miiska sidaa awgeed magaca uu u bixiyey wuu asiibay oo socdaalkii miyiga uu ka soo bilaabay ee uu ku galay Madaxtooyadii waa xusuus noloshiisa ka mida badina Somalida dadiisaa iyo wixii ka weyni waa from miyo to magaalo. Anigu buugaygii Buurdhegeyste wuxuu u egaa sida as oo kale. Oo anoo shan jira oo maqal la jooga meel buurahan Golis ah ayaa galab aabahay iigu yimi maqashii oo yidhi berri Tuulada ayaan ku gaynayaan oo Quraanka ad bilaabaysaa dabadeed dugsigaad gelaysaan dabadeed ANIGA wax aan hore uu MAQLAY may ahayn Quran iyo Dugsi toona oo waxay yihiin man garanayn laakiin anoo Europe jooga buuggii socdaalkaas buu ka soo bilawday. Wata an lahaa

ANIGOO BARBAAROO
MARSADII BARAAD LI
LA HELOW BOGGIISII
BARQINAAYA XOOLII
SAW BUURAHOO DHAMI
BAASHAW IMAY ODHAN
ANIGU A WIIL BA AN OO
IS BAACBAACINAAYIYO
BUURDHEGEYSTE MAAN NOQON
SIDAASAA KU SOO BAXAY
BARDAALE IYO SIIGIYO
BAGAAN KU SOO MARAY
BENDERKANA KU SOO GALAY
BEESHIINA KAGA I I.
waxaan uun idin tusayaa wax qoridu inay tahay sodaal xagga maskaxda ah oo uu buugga Xirsi iyo buugaagta kaleba ka markhaatiya yihiin. Laakiin buugga Xirsi wuxuu buugaagta dheer yey maanta kiisu waa (REVOLUTION) XAGGA WAX QORIDDA AH EE SOMALIAND waana ta looga wada qayliyey ee weliba siyaasiyiinta uga qayliyeen oo albaab cusub oo la tebayey xagga wax qoridda ayuu furay O iftiimiyey wax badan oo xagga maamul ee dal ka jiray. Dunida wax qortaa waxay leeyihiin mahadho tidhaa QOFKU ILLAA UU DHIBAATO JIRTAY ISBEDEL KU SAMEEYO OO BAABI IYO MOOYEE HADDII KALE (HERO) MA NOQON KARO. runtii Xirsi dhibaato siyaasiyiinta iyo madaxda Somalida haysatayay buu ku dhiiraday inuu bedelo oo qof kastaa uu qori karaa xusuustiisii shaqo ee uu wadanka kala kulmay faaiidada u horaysaa waa iyadoo musumaasaqa iyo wax Qarib ku yaraandoono haddii sidaa Xirsi loo ifttiimiyo wax qabadkii XAFIIS iyo maamul ee jiray xilli. Arintan bahda qoraagu way soo dhoweynaysaa. Buug aan lahaa berri hore waxaa ku xardhanaa odhaah ahayd WAX AKHIRIGU CAANAA GEEL WUU KA MACAANYEY NINKII DHADHAMIYEY BAA GARANAYEE.
HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO BUUGGA XIRSI X CALI
MBASHE (MEERKAT)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker