Ganacsadaha Shirkada Beeyada ee Asli Maydi Oo olole Ugu Jira Siduu U Bedeli lahaa Maayarka laascaanood

Warar Xogogaal ah oo soo gaadhaya Warbaahinta ayaa xaqiijinaya in Ganacsadaha Shirkada dhoofisa Beeyada ee Asli Maydi oo lagu magcaabo Barkhad Jibriil Xasan oo Kambayn xoog leh ugu Jiro Siduu Xilka uga qaadi lahaa Maayarka degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale.

Wararka ayaa intaasi ku Daraya in Ganacsadahani Uu Maalmihii u daneeyey u tafaxaydnaa sidii uu Maayarka cusub ee degmada Laascaanood uga dhigi Lahaa Xildhibaan Fahiima Quuje oo ka tirsan Golaha Deegaanka Laascaanood Balse Xidhiidh Guur dhowaaan Hargaysa ku dhex Maray Ganacsadahani.

 

Barkhad Jibriil ayaa Adeegsanaya Isla markaana fulinaya heshiis Maafiyanimo oo ay wada gaadheen Naagtiisa oo ku salaysan Gurashada geedka Dhedinka, Hantidiisa iyo Mid xididnimo sidii xaaskiisu u noqon lahayd Maayarka Laascaanood waxaana arintaasi la sheegay inuu kala shaqaynayaan xildhibaano dhul boob ah oo Maayarka Ka liqi waayay dhul dad leeyihiin maadaama wareegto laga soo saaray dhulka danguud

 

Ilaa hada Ma jiro fadhi Caadi ah oo ay iskugu yimaadeen golaha deegaanka laascaanood Marka laga reebo Kalfadhiyadii shaqada ee hore uga socon jiray golahaasi waxaana Arintani loo wakiishay Xildhibaan Xuuxuule iyo xildhibaan Cumar oo dhowaan uu Maayarka Laascaanood ka hor istaagay Dhul beer ah oo uu ku Qabsaday qoys Danyar ah Balse arintaasi si wanaagsan loogu hanbalyeeyey Maayar Taarwale.

 

Kooxda Asli Maydi oo aanu isku daynay inaanu arintani wax ka waydiino ayaanay noo suura gelin Kadib telefanooda oo xidhnaa awgeed balse wixii kasoo kordha waxaad kala socon doontaan Warbaahinta.

 

Dhinaca kale Qorshahan uu Wado Mulkiilaha shirkada Ganacsiga ee ASLI MAYDI ayaa Xaqiijinaya in Xildhibaano Gaadhaya 9 mudane Merfesh ay Uga Furtay Fahiima Quuje Gudaha Laascaanood Xili Xildhibaanada Badankoodu
ay La safan yihiin Duqa degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen taarwale, golaha deegaanka Laascaanood ayaa ka kooban 21 Mudane waxaana Maayarka la Socda oo uu Haystaa Kalsoonida 12 xildhibaan.

 

Xaaska Mulkiilaha Asli Maydi Ayaa Gucle orod ugu jirta Qorshe ay Mari wayday oo lagu soo Afjaraayo Geedka Dhidinka oo Xabagtiisa la isku Baacsanayo waxaana ay doonaysa inay Goobta fulinta usoo fadhiisato
Anagoo arintaasi xog idiinka diyaarinay idiina soo gudbin doona Saacadaha soo socda.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker