Mareykanka oo ku hanjabay ciqaab inay la kulmi doonaan raggii dilay Suxufi Jamaal Khaashuqji

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay jawaabta Sacuudi Carabiya ay ka bixisay dilka wariye Jamal Khaashuqji ay tahay “qarinti abid ugu xumeyd oo lagu qariyo fal dil oo dhacay.”

Wuxuuna intaa ku daray cid walba oo falkaasi foosha xun soo maleegtay kana dambeeysay “cawaaqib xun la kulmi doonto”

Wasiirka arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa wuxuu isna sheegay inuu Mareykanku ciqaabayo ciddii ka dambeysay dilka wariye Jamal ” iney fiisaha dal ku galka kala laabaneyso 21-ka qof ee la shaaciyey ee falkan looga shakiyay.

 

Mareykanka ayaa wuxuu Beesha Caalamka kala kulmayaa cadaadis xooggan oo loogu baaqaya iney dabciso xiriirka ay la leedahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

 

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa waxay marar badan dilka Khaashuqji iyo waxa ku dhacay ay ka soo saareen warbixinno iska horimanaya. Toddobaadyo waxay ku andacoodaan inuu nool yahay Khaashugji, waxay ugu dambeynti boqortooyadu qiratay wariye Jamal Khaashugji oo 59 jir ah inuu ku dhintay hawlgal naxariis darra ah xilli uu booqanayey qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

 

Sacuudiga ayaa hadda wajahaya cadaadis xoogan oo ku aadan falkii wuxuushnimada ahaa ee ay u gaysteen Wariyihii ay dileen, kadibna ay jar jareen ee Jamaal.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker