Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa si adag u Cambaareeyay Korodhka Khatarta Argagixiso ee Galbeedka Africa

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa si adag u Cambaareeyay khatarta sii kordheysa ee ku wajahan nabadda iyo amniga qaaradda Afrika ee ka imanaya Argaggixisannimada.

 

 

15  ka Xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa ku booriyay Wadamada Xubnaha ka ah  golaha ammaanka iyo nidaamka Qaramada Midoobay in ay qaadaan tillaabooyin degdeg ah oo lagu wajahayo dhammaan wadiiqoyinka sahla xagjirnimada.

 

 

Goluhu wuxuu ku dhiiri galiyay wadamada inay kobciyaan waxbarasho tayo leh oo ay siiyaan fursado shaqo iyo tababar xirfadeed oo loogu tala galay dhalinyarada laguna soo daro dhamaan heerarka go’aan qaadashada, taasoo gacan ka geysanaysa dadaalada ka hortaga shaqaalaysiinta Argagixisada.

 

 

Madaxa siyaasada U.N. Rosemary DiCarlo ayaa waxay tilmaamtay in kooxda Al-shabaab oo khatar ku ah amniga Soomaaliya iyo Bariga Afrika iyo Daacish ay ku howlan yihiin sidii loo qaadi lahaa weerarro soo kordha oo ka dhaca Galbeedka Afrika, gaar ahaan Burkina Faso, Mali iyo Niger.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker