Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika Oo Maanta ku Kulmaya Caasimadda Dalka Nayjar ee Niyaami

Hoggaamiyayaasha Afrika waxay maanta Kulanka Midowga afrika ee AU-da ku yeelan doonaan caasimadda dalka Niger ee Niyaami, si ay qalinka ugu duugaan Heshiiska Ganacsiga ee Xorta ee Qaaradda Afrika.

 

Madaxdu waxay kaloo ka wada hadli doonaan khatarta dhanka Amniga iyo Xiisadda Muhaajiriinta ee Qaradda Afrika.

Guddoomiyaha Ururka Midowgaa Afrika, Muuse  Faki Maxamed waxa uu sheegay inay Daqiiqad Taariikhi ah noqon doonto marka ay 55-ka waddan ee xubnaha ka ah Ururka AU-da maanta qalinka ku duugaan Aagga Ganacsiga xorta ee Qaaradda Afrika (the African Continental Free Trade Area (AfCFTA) .

Kulanka Madaxda Afrika ku leeyihiin caasimadda dalka Nayjar ee Niyaami waxa uu socon doonaa muddo 2 maalmood ah, laga bilaabo maanta oo Axad ah ilaa berrito oo Isniin ah.

Tirada Hoggaamiyayaasha dalalka Afrika ee ka qeyb galayo Shirka Niyaami ayaa la sheegay inaysan ku wada dhamasytirnayn 55-ka Hoggaamiye ee Qaaradda, balse, Heshiiska la saxiixayo waxa uu u baahan yahay inay ansixxiyaan ugu yaraan 22 waddan oo Afrikaan ah.

Heshiiskaasi waxa uu imaanayaa, kadib, markii ay muddo 17-sanno ah socdeen wada-xaajood, oo ugu dambeyntii la dhamasytiray Qodobadda Heshiiskaasi dhamaadkii bishii April ee la soo dhaafay.

Dhinaca kale, Wasiiradda Ganacsiga ee dalalka Afrika waxay ku heshiiyeen in Aagga Ganacsiga Xorta ee Afrika uu dhaqan geli doono bisha July ee sannadka soo socda ee 2020-ka.

Dalalka Benin iyo Eritrea oo keliya ayaa la sheegay inay u baahan yihiin inay saxiixaan Heshiiskaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker