Madaxweynihii hore ee Maraykanka oo codsi ka yaabiyey dad badan u diray Madaaxweyne Putin

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, oo bishii hore duulaan ku qaaday Ukraine, inuu sii daayo xog kasta oo uu hayo oo wax u dhimeysa wiilka Madaxweyne Joe Biden, Hunter.

Trump oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa mar kale dib ugu laabtay eedeymaha soo noqnoqda ee uu marar badan u jeediyey Biden, intii lagu guda jiray ololihii doorasho ee looga adkaaday 2020.

Qeyb ka mid ah wareysi uu Talaadadii bixiyey ayuu Trump ku sheegay in xaaska duqii magaalada Moscow ay Hunter Biden siisay $3.2 milyan.

“Taasi waa lacag badan,” ayuu yidhi. “Waxay siisay $3.5 milyan, marka hadda waxaan u maleynaa in Putin uu ogyahay jawaabta arrintaas. Waxaan u maleynaa inuu sii daayo.”

“Waxaan u maleynayaa inay tahay inaan ogaano jawaabtaas,” ayuu ku diray.

Trump ayaa muddo sheegayey, isaga oo aan yaboohin wax caddeymo ah, in Hunter Biden uu lacag ka helay Elena Baturina, oo ah xaaska duqii hore ee geeriyooday ee Moscow Yuri Luzhkov, si uu taas beddelkeed xigsasho uga helo Joe Biden.

Trump ayaa waxaa 2019 dacwad xil ka-qaadis kusoo oogay Aqalka Wakiilada Mareykanka sababo ka xiriira inuu isku dayey inuu madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ku cadaadiyo inuu baaro wax uu tuhunsanaa inay yihiin akhbaaraad dhaawici kara wiilka Biden, oo mar la shaqeeyey shirkad tamarata qaabilsan oo ku taalla Ukraine.

Ololihii doorasho ee uu ku guuelystay 2016, Trump wuxuu fagaare uga codsaday Moscow inay baahiso emailo la la’aa oo ka yimid musharaxii dimoqraadiga ee la tartantay Hillary Clinton.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker