Ilhaan Cumar Oo Ka Jawaabtay Tallaabada Israa’iil ay ugu diiday in dhulkeeda ay galaan iyada iyo xildhibaanad kale

Ilhaan Cumar ayaa soo saartay qoraal ay uga jawaabeyso tallaabada Israa’iil ay ugu diiday in dhulkeeda ay galaan iyada iyo xildhibaan kale oo lagu magacaabo Rashida Dhaalib.

 

“Xubin ahaan oo ka tirsan guddiga Arrimaha Dibadda (Congress-ka), waa shaqadeyda in aan la socdo kaalmada caalamka ee Mareykanka uu bixiyo iyo sharciyeynta ku dhaqanka xuquuqda aadanaha e daafaha caalamka”, ayey Ilhaan ku qortay warbixin at ku baahisay boggeeda Twitter-ka.

“xayiraaddii Trump ee Muslimiinta uu saaray waa tallaabada ay Israa’iil meel marineyso, markan waxaa la bartilmaameedsaday laba xubin oo si sharci ah loogu doortay aqalka Congress-ka”.

 

“Waxaa wax laga xumaado ah in arrintan aysan la yaab lahayn, marka loo eego dhanka bulshada, kaas oo si joogto ah oga goos haysta dadaallada nabadda”, ayey tidhi Ilhaan.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker