Isfahamka iyo isla jaanqaadka dadka ka wada shaqeeya diinta iyo danta guud

Dadka walaalaha ah ee ka wada shaqeeya diinta iyo danta guud iyaga oo isku kalsoon, isjecel, isku mabda’ iyo isku haddafna ah ayay ku kala duwan yihiin:

aqoonta diineed, takhasusyada kale, da’da iyo khibrada, waxyaabaha ay xiiseeyaan, dhaqamada deegaanadii ay ku dhasheen ama ku koreen ama dalalkii ay u dhoofeen oo ku noolaadeen.

Waxay kaloo ku kala duwan yihiin dabciga qof ahaaneed iyo tilmaamo kale oo saamaynaya xiriirkooda iyo wada shaqayntooda, sida deeqsinimada, geesinimada, dulqaadka iwm.

Kala duwanaanshahaas wuxuu u baahan yahay in la tixgaliyo oo aan dadkaan loo fahmin ama loola dhaqmin inay dhinac walba ka yihiin isku koobi.

Qof walba wuxuu ka wataa deegaankii iyo dadkii uu ka dhashay ama la noolaaday faham, dhaqan, dareen, xog, halbeeg uu wax ku miisaamo iyo waxyaabo gaara oo uu xiiseeyo.

Waxaa jira deegaano kaftanku caadi ka yahay oo aan la isu qabsan iyo deegaano ay dhici karto inay xumaan u qaataan ama ka caroodaan.

Waxaa jira meelo in qabiilka la sheegto iyo in lugu kaftamo ay caadi ka tahay, halka meelo kale ay ceeb tahay  in magac qabiil la soo qaado ama lugu kaftamo.

Waxaa jira gobolo la isku qayliyo oo waliba faraha ama usha la isku taago iyada oo aan dagaal jirin ama la isuba dhaarto, halka gobolo kale dhaarta iyo qayladu ka tahay xumayn ama dagaal kama dambays ah.

Dad baa xoolaha aad u kasba, isla markaasna aad u beekhaamiya, halka dad kale ay lacagta aad u isticmaalaan iyagu ha soo shaqaysteen ama ha soo shaxaadeene.

Dad bay dhaqan u tahay in wax la wada cuno oo nin walba wixiisa lala leeyahay gaar ahaan qaraabada, halka dadka qaarki nin walba naftiisa dabbarayo oo aanu cid kale ku tashanayn.

Dad baa la noolaaday ummado gaalo iyo fusaaq ah oo xammili kara inay shar badan arkaan ama maqlaan, halka dadka qaarki ay hadalada ama dhaqamada qaarkood u qaadan karaan diin la’aan.

Dhacdooyinkii xanuunka badnaa ee dadkeena iyo dalkeena soo maray bii’a walba magacyo gaara iyo dareen gaara ayay kaga tageen oo laga yaabo inay deegaanada kale aad ugu kala duwan yihiin.

Tusaale ahaan jabhadihii mucaaradka ahaa ee hubaysnaa kacdoon shacab oo dulmi ka dhiidhiyey bay ahaayeen iyo mayee mooryaan Amxaaro raacday oo dalkii iyo dadkii burburiyey ayay ahaayeen.

Tusaale kale dowladdii kacaanku waxay ahayd dowlad soomaaliyeed oo dalka dhistay, dunidana magac ku lahayd ee cadowgii soomaaliyeed iyo dabadhilifyo qabaa’il ku daaban baa dumiyey, dawladina kamaba dambeyn iyo mayee waxay ahayd xugun jaa’ir ah oo qabiil adeegsanaya oo diintii iyo ummaddiiba halaagay, aakhirkiina jabhado xaq u dirir ah iyo shacabkii oo ay kiciyeen ayaa ka takhalusay.

Labada qof ee labadaas ra’yi kala qaba waxaa dhici karta inay labaduba daacad yihiin, midkoodna aanu xog-ogaal u ahayn xaqiiqada dhabta ah ee qolada uu difaacayo iyo qolada uu fogaynayo ee uu xambaarsan yahay intii uu ka soo maqlay qaraabadiisa iyo dadkii ku xeernaa.

Haddaba waxaa habboon in arrimahaas la wada tixgaliyo oo aan qofna qofka kale ku eedayn ama ku nicin ama aanu u qaadan qabyaaladayste ama diin laawe; waayo adiga iyo isaguba waxaad ku doodaysaan war iyo dareen aad kala timaadeen dadkiinii iyo deegaankiinii ee kaaga Qur’aan ma sheegin.

Shayga kaliya ee saxda ah ee aynu isku wada waafaqsanahay oo tixgalinta leh, luguna kala bixi karo waxaa weeye: dhaqamada iyo arrimaha ama shacdooyinka laga hadlayo diintu maxay ka qabtaa?.

Taa macneheedu waxaa weeye qofka waxaa lugu eedayn karaa ama inuu qaldan yahay lugu xukumi karaa marka hadalkiisa ama dhaqankiisu sharciga khilaafsan yahay ee marna kuma eedayn karno annaga dhaqankayaga ama sida aan wax u aragno ayuu khilaafsan yahay; waayo dhaqankiinu halbeeg uma aha saxda iyo qaladka ama xaqa iyo baadilka.

Gabagabadii dadka walaalaha ah ee khayrka ka wada shaqaynaya si ay iyagoo isjecel oo isku duuban hadafkooda u xaqiijiyaan waxay u baahan yihiin is ixtiraam, is qaddarin, is cafin, isu samrid, in khayr la isu maleeyo, in khayr la kala fisho, in wixii qofku fahmi waayo ama qalad ula muuqda aanu la boosin ee uu walaalki weydiiyo ama si wanaagsan u fasirto, in mid walba ilaaliyo dareenka iyo qalbiga walaalihiis, lana tixgaliyo kala duwanaanshaha dhinacyada badan leh ee aan ka soo hadalnay.

 

 

Sh. Axmed Cabdisamad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker