Suudaan ay ruxeen iska-hor-imaadyo hor leh.

Tirada dhimashada ayaa kor u kacday iyada oo caasimadda Suudaan ay ruxeen iska-hor-imaadyo hor leh.

Khartoum – Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay khamiistii shalay sida ay sheegeen dhaakhaatiirta waddankaas.

Waa maalintii shanaad oo ay socdaan iska-hor-imaadyo u dhexeeya askarta iyo dibad-baxayaasha af-ganbiga ka soo horjeeda ee caasimadda Khartuum, iyada oo golaha ammaanka ee Ururka Qarammada Midoobay ay ugu baaqeen militariga in ay soo celiyaan dowladdii ku-meel-gaadhka ahayd ee dalkaasi.

Maraykanka wuxuu sii wadi doonaa garab-istaagga shacabka Suudaan baa lagu yidhi war-bixinta.

Dhanka kale, jeneraal Cabdifataax Al-Burhan wuxuuu taliska militariga soo ahaa tan iyo 2019-kii t.c markii la af-gambiyay hoggaamiyihii muddada dheer Cumar Al-Bashiir oo mudaharaadyo waa weyn oo ay hoggaaminayeen dhallinyaradu lagaga xayuubiyay xilkiii.

Xigasho: Aljazeera

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker