Xukuumadda Madaxweyne Mustafa Cag-jar Oo Qiime Go’an U Jartay Qiimaha Shiidaalka Lagu Iibinayo.
Jig-jiga (OWN)- Xukuumadda Dawlad Deegaanka Soomaalidda Ee Uu Hogaamiyo Madaxweyne Mustafa Muxumed Cumar (Cag-yar), Ayaa Qiime Go’an U Jartay Qiimaha Shiidaalka Lagu Iibinayo.
Xukuumadda Madaxweyne Mustafa Cag-yar, Ayaa Dhammaan-ba Amar Ku Siisay Masuuliyiinta Kala Duwan Ee Gobolladda Iyo Degmooyinka Is-Maamulka Inay Siiyaan Shiidaalka Qiimaha Go’an Ee Ay Xukuumaddiisu U Jartay.
Talaabaddan Ay Xukuumadda Madaxweyne Mustafa Cag-yar Ugu Jartay Qiimaha Go’an Shiidaalka, Ayaa La Filayaa Inay Wax Weyn Ka Tarto Kor U kacii Qiimaha Shiidaalka Lagu Iibin Jiray. Kaasoo Shacabka Dawlad Deegaanka Soomaalidda Ee Itoobiya Dhibaato Weyn Ku Hayey. Iyaddoo Ay Si Weyn-na U Soo Dhaweeyeen Shacabku Amarkan Ay Dawladdooddu Ku Soo Rugtay Qiimaha Shiidaalka Lagu Iibinayo.
Shaxda Ay Madaxweyne Mustafa Cag-yar Xukuumaddiisu Ku Caddaysay Qiimaha Shiidaalka Lagu Iibinayo Hoos Ka Eeg.