Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Ku Baaqay In 82 Xildhibaan ee Goluhu Mudana Kastaa Bixiyo $ 5000

Ku Shirgudoonka Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland
Ku Dhamaan Xilidhibaanada Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland
Ujeedo: Soojeedin

Ugu Horeyn Anigoo ah Xildhibaan Ahmedkhaliif Jaamac Saalax Waxaan aad uga tiiraanyey sanahay ugana xumahay masiibadii adduun ee ka dhacday suuqa ugu weyn ee Somaliland Gaar ahaan Suuqa Hargeysa ee (Waaheen), Waxaan leeyahay Ilaahey Badal Kheyr qaba oo dag dag ah ha siiyo ganacsatadii xoolahoodii iyo Hantidoodii Kuwaayay hana u soo celiyo hantidoodii. Aaamin Aamin
Intaas kadib Waxaan halkan Baaq Dag Dag ah uga dirayaa Dhamaan 82 Xildhibaan ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland , Walaalayaal Sidaad Lasocotaan Waxaa Dhacday Masiibo Dab iyo Holac ah oo Baaxadeeda aan la qiyaasi Karin lahaa, taasoo keentay khasaare dhaqaale oo aan Xad lahayn ,oo sababay Burbur hantiyeed oo lagu Qiyaasay 1.5 Billion dollar ilaa 2 Billion Dollar ama Laba Bilyaar oo doolar.
Walaalayaal Maadaama aynu nahay xildhibaanadi shacabku soo doorteen ee matalayay Inaan Noqono Kuwo Uhoreeya ee markay dhib soo gaadho shacabkooda ,Laqaybsada dhib kasta iyo khasaara kasta oo soo gaadha marxalad kasta oo adag markay galaana aan laqaybsano barbarkoodana istaagno.
Sidaas Awgeed Waxan Talo kusoo jeedinayaa Inaan Gurmad Dhaqaale Ufidino walaalaheena Burburka Dhaqaale ee baaxada wayn Soo gaadhay uuna Xildhibaan walba 5000$ (Shan Kun oo Dollar)Bixiyo oo Bil walba Mushaharkiisa laga jaro kagana qayb qaato Gurmadka iyo Taakuleynta Dadkeena Masiibadu kudhacday loogu deeqo si tabarucaad ah.
82 xildhibaan oo midkiiba shan kun oo dollar uu bixiyo waaa 82×5.000$=410.000$ waa
(Afar Boqol iyo toban kun oo dollar)
Hadii Xildhiban Walba uu Shan kun oo Dollar Bixiyo, Bil kasta Waxaa Mushaharkiisa Mudo sanad ah Waxaa laga jari karaa Afar boqol iyo 16 dollar 416.666 dollar oo sidan ah ( 5000$- 12 months= 416.666$)
Sikale Hadaan udhigana Hadii Xildhibaan walba oo Shankun oo dollar bixiyo, Waxaa Bil kasta Mushaharkiisa laga Goyn karaa karaa 208.333$ laba boqol iyo sided dollar iyo sentiyo oo soconaya Mudo laba sano ah oo sidan noqoneysa 24biloodx208.333$=4.999.92
Hadii Arintan Qaadhan Bixinta ah ay xildhibaanadu isla qaatan, Shirgudoonka Golahana Waxaan ka Codsanayaa iyaguna inay Kashaqeeyaan Sidii arintaasi kusuura gali lahayd oo ay bangiga dhexe ee Somaliland iyo Shirgudoonka Golaha wakiilada ay iska arkaan arintaas kana wada shaqeeyaan sidii xildhibaan walba mushaharkiisa guud looga jari lahaa 416.66$ bil walba Muddo 12 bilood ah ama 208.33$ bil walba Mudo 24 bilood ah ,Maadama aanu Xildhibaan kasta Bil walba Mushaharkiisa Kusoo Dhaca Account kiisa aanay shan kun oo dollar aanay dhamayn oo musharkiisu intaas ka yaryahay.oo aanay suura gal ahayn in halmar shankun oo dollar xildhibaan walba uu bixiyo .
Mudanayaal Anigoo og khasaaraha Dhaqaale ee dhacay Xalay Inaysan Qaadhaan aan Bixino aysan ka ahayn xitaa 1 percent Marka loo eego Hantidii Shuf Beeshay ,Hadana Waxaan aaminsanahay inay Waxan badan Tari karto ,dadkeenii dhibaatadu soo gaadhay.
Ugu Dambeyn Mudanayaasha Sharafta badan Walaalayaal Anigoo og In Xildhibaanada Golaha Wakiilada Duruuftooda dhaqaale aanay ahayn Mid aad uwayn oo ay Hayntoodu Yartahay, Hadana waa waajib inaan Maanta Waajibkeena Gudano oo shacabkeena Musalafay aan duruufta adag ee ay waqti xaadirkan kujiraan barbar istaagno, Lana wadaagno Dareenka dhabta ah ee ay waqti xaadirkan kusugan yihiin.

Wabilaahi Tawfiiq
By Xildh Ahmedkhaliif Jaamac Saalax

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker