Shirkii Sanadlaha ahaa ee Beesha Direed oo ka dhacay dalk FINLAND magaalada HELSINKI.
HELSINKI (OWN)- Shir Balaadhan oo si qurux leh loo soo agaasimay oo magaalada HELSINKI ee dalka FINLAND ka dhacay shirkaas oo sanadihii u dambeeyay beesha DIREED ee ku dhaqan dalka FINLAND u qabsoomaayay.
shirkan sanadadihii u dambeeyay ka qabsoomaayay Dalkan FINLAND magaalada HELSINKI oo ay beesha DIREED danaheeda kaga arinsato iskuna waraysato dhinaca kasta, Shirkan oo ay ka soo qayb galaan dhamaan Bulshada DIREED qaybaheeda kala duwan ee ku dhaqan dalka FINLAND gaar ahaan magaalada HELSINKI iyo gobolada u dhaw, shirka oo lagu soo bandhigay taariikhdii DIREED ee hore iyo siday ahaan jireen iyo tan maanta siday ay u kala duwantahay taas oo dhalinyarada intoodii badanyd ay ka faa`iidaysteen, siiba dhinaca deegaanada iyo taariikhadaa sooyaalka ah ee duugowday.
shirka waxa kale oo lagu so qaaday sidii loo xoojin lahaa iska war haynta BEESHA iyo sidii ay danahooda uga wada shaqaynlahaayeen dawlad kasta oo ay deganyihiin BEESHU iyo gobol kasta oo ay ku dhaqanyihiin yihiin Labadaba iyo sidii himilooyinkooda fog iyo ku dhawba looga wada midho dhalin lahaa debed iyo gudaba.
gunaanadkii waxa kale oo laysla qaatay sidii loo qaban lahaa shirar balaadhan oo ay ka soo qayb galaan bulshada qaybaheda kala duwan ee beesha DIREED gaar ahaan inta ku dhaqan Dalalka Scandinavianka, waqooyiga Europa iyo guud ahaan America iyo dalalkeena iyo degmooyinkeena gudahooda.
shirkaas Scandivavianka oo loo saaray gudi qaban qaabo oo FINLAND ah kana kooban 9 Sagaal Xubnood.
Ugu dambauntii shirka oo socday mudo saacado ah ayaa ku soo gebogeboobay jawi farxad iyo Isbarasho iyo aqoon kordhsi laga dheehanyo.
Allah Mahad leh.
ari.artang22@gmail.com