Madaxweynaha Dalka Sudan Oo Ka Codsaday Beesha Caalamka Wax Kala Qabtaan Tahriibka Iyo Ka Ganacsiga Dadka
Madaxweynaha Dalka Sudan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa waxa uu ka codsaday beesha Caalamka inay Dalkiisa wax kala qabtaan la dagaalanka Tahriibta iyo ka ganacsiga Dadka.
Madaxwayne Bashiir ayaa hadalkan ka hor jeediyey Baarlamaanka Dalkiisa, waxaanu sheegay Madaxweyne Bashiir inay marar badan isku dayeen inay arrintaasi wax ka qabtaan, sidoo kalena ay isku dayeen inay xaddidaan joogintaanka dadka Ajaanibka ah ee ku nool Dalkiisa si ay u ilaashadaan Amniga muwaadiniintooda.
Madaxweyne Bashiir ayaa waxa kale oo uu sheegay in dawladiisu ay ka qayb qaadatay heshiiskii nabadeed ee ugu dambeeyay ee ay wada galeen dhinacyada isku haya Dalka Koonfurta Sudan, iyo sidoo kale wada hadaladii nabadeed ee Dalka Centeral Africa.
Madaxwayne Bashiir ayaa waxa uu sheegay in dhammaan arrimahaasi ay noqdeen kuwa muhiim ah oo ay Dawladiisu kaga qayb qaadatay xidhiidhada kala duwan ee dalkiisu ay la leeyihiin waddamada deriska yihiin.
Madaxweynaha Dalka Sudan Cumar Xasan Al-bashiir