Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Oo Xaflad Loogu Qabtay Magaalada Sheffield/UK
Waxa maalintii Sabtida ahayd ee 29/09/2018 Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Mudane Khadar Xuseen Cabdi loo gu qabtay magaalada Sheffield Xaflad qiima badan oo aad loo soo agaasimay si qurux bandanna loo diyaariyay. Xafladda waxa iyana ka soo qayb galay oo wefitiga Xoghayaha ka mid ahaa Gudoomiyaha Gudiga Fulinta Waddani UK iyo Xubno muhiim ah oo ka mida Gudiga Waddani UK.
Xafladan oo ahayd Xaflad Xog waraysi iyo dadar gelinta hawlaha xisbiga ayaa ahayd mid dhamaan dadkii ka soo qayb galay aad ula dhaceen. Waxyaaalaha dadka aad ka usoo jiitay wax aka mid ahaa xogwaranka Xoghayaha oo ahaa mid si qoto dheer uga waramayay xaaladda dhabta ah ee dalku ku jiro. Waxa Iyana xiiseheeda lahayd sidii farshaxannimada ahayd ee xoghayuhu uga jawaabay dhamaan suaalihii iyo tabashooyinkii dadku qabeen.
Waxa Iyana ka faaiidaystay isu imaatinkan oo meeting room loo sii diyaariayay ku qabsaday shirkoodii billaha ahaa Gudiga Fulinta Waddani UK, halkaas oo aad loogu lafa guray arimo ay ka mid yihiin dib u dhiska iyo dardar gelinta laamaha Xisbiga iyo qaban qaabada shirka weyn ee Gudoomiyaha Xisbiga Mudane Cabdi raxmaan Cirro iyo Wetiga la socda loogu qaban doono Magaalada London.