Guddoomiye Faysal oo Xukuumadda ugu Baaqay in Laanta Socdaalka Tukaraq loo Raro

Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa siyaasiyiinta reer Muqdisho ku eedeeyay in raafka Laascaanood ay ka dhigteen barnaamij ay kursiga ku gaadhaan, waxaanu sheegay in dadkii 1960 iyo ka hor Somaliland dagaana kaliya ay muwaadiniin yihiin.

Faysal ayaa sheegay in sida Dastuurka Somaliland sheegayo kaliya ciddii Somaliland daganayd xornimadii ka hor ay yihiin muwaadiniin rasmi ah.

Guddoomiye Faysal isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.”Dagaal baa laynagu soo qaaday innagu lixdankii dalbaynu ahayn, oo ictiraaf ayaynu helnay, waynu la ambanay, waan la soo noqonay, Distoorka Somaliland wuxuu leeyahay muwaadiniinta Somaliland waa dadkii lixdankii iyo wixii ka horeeyay daganaa, horta, Wala-weyntu taa ha ogaato, in aanay lixdankii iyo intii ka horaysay aanay daganayn ha ogaadaan.”

Faysal ayaa sheegay in madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliya ay horay ugu mashquulsanaayeen dugsiga Abaarso haddana ay ku mashquuleen tarxiilka xukuumadda Somaliland ay ka wado magaalada Laascaanood, isla markaana, ay ka dhigteen barnaamij ay doorashada ku galaan.

Waxaanu yidhi.”Maalma dhawayd oo dhan waxay ku mashquulsanaayeen iskuul keena Abaarso, imikana, waxay ku mashquulsanyihiin Laascaanood, waxayba ka dhigteen wado lagu doorto in ay yidhaahdaan ‘dalku waa Soomaali, aloore waa Soomaali’, wuxu ku leeyayay ‘Faysal caruurtiisa iyo caruurtoodu waa habra wadaage xagay kala tagayaan’, waxaan u sheegaya in caruurtayda qaar Jarmal ah habro wadaag yihiin.

Ninka leh carruurtayda iyo taadu waa Habrawaag, waxaan leeyahay meeshaada jog waxba ilama lihide,.

Doorashadeena aynu nabadgelyo ku qabsano, anaga siyaasiyiin ayaa naga xidhan ee xadhiga hala joojiyo, sharcigana hala ilaaliyo.”

Faysal isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu xukuumadda Somaliland ugu baaqay in Kaantaroolka Tukaraq la geeyo ciidamada Laanta socdaalka si dadka dalka soo galaya, ay Fise ama dal ku gal loogu soo gooyo.

Faysal ayaa waxaa uu soo jeediyay in wixii dalka jooga ee Soomaaliya ka soo jeeda wakhti la siiyo si ay u dalbadaan Iqaamado.“Xarunta laanta socdaalka Somaliland, degaanka Tukaraq halaga dhigo, halka Fise ama dal ku gal halagu soo siiyo kii soo galaya, ee hagaagsan, kii kale halkaasi halaga celiyo, haddii ILLAAHEY yidhaaho.

Wixii joogana hala siiyo wakhti ay ku soo dalbadaan iqaamado iyo sharci, asxaantii ayaa waxa ay keentay in la yidhaaho dalku waa ‘Soomaali,”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker