Maxkamadda Gobolka Maroodijeex Oo Go’aano Cusub Ka Soo Saartay Muwaadiniin Gaadiid lagaga Qabtay Qaad Kootarabaan ah

Maxkamadda Rafcaanka ee gobolka Maroodi-jeex ayaa shalay  soo saartay xukun ah In Gaadiidkii lagu qabtay Jaadka loo celiyo dadkii lahaa.

Maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodi-jeex, wax kale oo ay amartay in muwaadiniintii gaadiidka iyo qaadka lagu qabtay ee Maxkamadda gobolku hore ugu xukuntay xadhigga 3-da sanadood ah iyo ganaaxa ah lacageed laga khafiifiyo xukunkaasi.

Maxkamadda ayaa amartay in qofkii ku xukunkaa 3 sano oo xadhig ah, xadhiggiisa laga dhigo 1 sano iyo badh, sidaana waxa warbaahinta u sheegay Urrurka Qareennada Somaliland.

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex iyo Maxkamadda Gobollada kale ee dalka ayaa Bil ka hor waxay xukumeen in Boolisku la wareego gaadiid badan oo lagu qabtay Kootarabaan ah, xilligii Guddiga ka hor-tagga Covid_19 hakiyeen Qaadka Itoobiya ka yimaadda, si looga hor-tago Xanuunka Covid_19 oo xillligaa aad ugu faafayey Dunida iyo Somaliland.

Markaasi ka dib, waxa Ciidammada Boolisku ay si iskood ah Ranjiga uga beddeleen gaadiidkii ay Qaadka ku qabteen oo ahaa nooc kasta oo gaadiidka ah, sida Tagaasida, Noohooyin Booyado, Laanguruusallo iyo gaadiid kale oo tiradoodu badnayd.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker