Maayar Ku Xigeenka Hargaysa C/casiis Cagaweyne Oo Ka Hadlay Maqnaanshaha Maayar Soltelco,
Hargaysa-(OWN)-Maayar ku xigeenka caasimadda Somaliland ee Hargeysaย Cabdicasiis Cagaweyne ayaa sheegay in maayarkii Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco si dhakhso ah ugu soo laaban doono magaalada Hargeysa.
Jimcihii shalay ayay saxaafaddu baahisay in maayar Soltelco ku sii jeedo dalka Sweden oo uu iska dhiibayo laakiin, jawaab gaaban oo goordambe oo xalay ah Maayar xigeenku soo dhigay boggiisa Facebook ayaan si buuxda uga jawaabin arrintan.
โWaxan hal kan ka cadaynayaa in aan warkan beenta ah ee laysla dhex marayo anay waxba ka jirin mayor kuna hawlo shaqo uu u tagay Ethopia gaar ahaan cassimadiisa una soo noqon doono isla bari dhamaan hawlihii shaqo ee uu u tagayna ay sii ficaan ku soo dhamadeen isaga iyo waftigii la socdaybaโฆโ Sidaas ayuu qoraalkiisu u dhigna maayar xigeenka.
Hase ahaatee waxa jira suโaalo ku xeeran arrintan. Sida ay saxaafaddu sheegtay Maayarka oo ku sii jeeda Sweden uu sii marayo dalka Itoobiya laakiin, maayar xigeenku soo ma hadal qaadin warqadda maayarku guud ahaan ku wareejiyay masuuliyaddiisa, islamarkaana ku sheegay in uu Sweden safar ku tagayo.