Xukuumadda Somaliland Oo Maanta Xayiraadii Saarnayd Ka Qaaday Telefishinka Universal

Somaliland ayaa maanta xayiraadii ka qaaday telefishinka Universal oo kamid ah telefishinada madaxa bannaan, kadib muddo dhowr bilood ah oo lagaga mamnuucay inuu ka shaqeeyo gudaha Somaliland.

Qoraal maanta kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa lagu sheegay in wasaaradda iyo telefishinku kala saxeexdeen heshiis cusub oo ilaalinaya dastuurka iyo xeerarka u degsan xuska maalmaha qaran.

Bishii june dhammaadkeedkii sannadkii hore 2020, ayaa universal tv lagu soo rogay xayiraadda maanta laga qaaday kaddib markii TV-gu diiday baahinta khudbaddii madaxweyne Muuse Biixi ee habeenkii 26-ka June.

Somaliland ayaa Universaltv ku eedeeyay in ay xurmeyn waayeen maalinta ay xornimada qaadatay Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker