Waa inuu Yimaadaa Maamul Cusub oo Uu Hogaaminayo Donald Trump: Mike Pompeo

Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Mareykanka, Mike Pompeo, oo aad ugu dhow Trump ayaa shir jaraa’id shalay ka sheegay in la tiriyay dhammaan codadkii la dhiibtay, sidaa awgeedna ay tahay in la isu diyaariyo maamul kale oo uu Hoggaaminayo madaxweyne Trump.

 

Trump ayaa shalay bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraallo uu ku sheegayo in ugu dambeyn guushu ay isaga raaci doonto,

 

Waxa uuna maalmihii la soo dhaafay sheegayay in Biden uu ku guuleysan karo doorasho la musuqmaasuqay oo kaliya balse marnaba wax caddeyn ah ma uusan keenin.

 

 

Wali si rasmi ah looma xaqiijin natiijada dhammaan codadkii laga dhiibtay gobollada dalka, waxaana wali soconaya tirinta codadkii la dhiibtay.

 

Natiijada rasmiga ahi ayaa la shaacin doonaa kaddib marka ergooyinka doorashada ay kulmaan 14 bisha Diseembar.

 

 

Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay in diidmada Trump uu diiday in uu ogolaado in doorashada looga guuleystay ay tahay ceeb ama wax laga xishoodo.

 

 

Balse Biden oo tan iyo shalay xidhiidho kala duwan la sameynayay hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa ku adkeysanaya in aysan jirin wax ka hor-istaagi karayo in uu xilka la wareego.

 

 

Madaxweynaha la doortay ayaa la weydiiyay waxa ay la tahay diidmada Trump uu diidan yahay in uu qirto in doorahada lagaga guuleytay.

 

“Waxay ila tahay uun wax ceeb ah oo laga xishoodo, waa marka aan dhab ahaan u hadlo,” ayuu yiri Biden.

 

 

Waxa uu intaasi raaciyay in arrintaasi ay dhaawac weyn u geysan doonto taariikhda madaxweyne Trump.

 

 

“Ugu dambeyntii, waa ay soo dhammaan doontaa marka la gaadho 20-ka Jananaayo,” ayuu yiri Biden, taa oo uula jeeday maalinta ay tahay in xilka loo doortay loo dhaariyo.

 

 

Bidden ayaa tan iyo shalay xidhiidh la sameynayay Hoggaamiyeyaasha kala duwan ee caalamka, isaga oo isu diyaarinaya in uu xilka la wareego Janaayo sanadka dambe.

 

 

Madaxda uu Teleefoonka kula hadlay waxaa ka mdi ah Ra’iisalwasaaraha Britain, Boris Johnson, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel.

 

 

Biden ayaa sababta uu madaxdaasi ula xiriirayo ku sheegay in ay tahay in uu u caddeeyo in Mareykanka “uu mar kale ku soo laabtay saxada caalamka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker