Duufaano ku soo Fool leh Qaybo Ka Mid Ah Soomaaliya
Sida lagu soo qoray barta internet-ka ee Reliefweb, waxa Arbacada maanta xeebaha galbeed ee Yemen iyoย Waqooyi Bari Soomaaliyaย ku soo fool leh duufaan xoog badan oo dhalin doonta roobab xoog badan oo keeni kara dhimashada dadka, xoolaha, burburka dalagyada, dhismayaasha iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Sida warbixinta lagu sheegay roob gaadhaya 50-100mm ayaa ka diโi kara xeebahaย Waqooyi Bari Soomaaliyaย , iyada oo marka uu meesha u sareysa gaadhana uu noqon karo ilaa 250mm, xilli deegaanadani ay caadi ahaan helaan roob aan badneyn.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in khasaaraha dalka Djibouti arrintan ka soo gaadhi karaa aanu ahayn mid weyn. Hase yeeshee, dalka Yemen loo badinayo in toddobaadyada soo socda ay roobabkani kor u qaadaan xaaladihii cudurka cholera-ha.