Maayar Ku-xigeenka Hargaysa Oo Qaranimadii Somaliland Meel Kaga Dhacay , Xafiiskiisana Ku Sharaxay Calanka Itoobiya

Hargeysa(OWN)- Maayar ku-xigeenka Hargaysa Cabdicasiis Cagaweyne ayaa ku kacay markale ficil lafjab ku ah Qaranimada Somaliland kadib markii uu Xafiiskiisa ku sharaxay Calanka Dalka Itoobiya .

 

 

 

Xiliga uu maayar ku-xigeenka Hargaysa is hordhigay Calanka Dalka Itoobiya wuxuu shahaado gudoonsiinayay guddi ku midoobay gaadiidka Iska rogooyinka, ma jirin wafti ka socday Dalka Itoobiya oo uu la kulmaayay mana jirin wax ku khasbaayay inuu is hordhigo Calanka Waddan kale oo aan ahayn midka uu masuulka ka yahay, ficilka noocan ah iyo kuwo ka horeeyay ayaa mujinaaya heerka aqooneed iyo garashada Maayar ku-xigeenka Hargaysa waxaanu ficilkaasi adhax jab ku ahaa dhammaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker