Xukuumadda Somaliland oo bilaabaysa dhismaha guryaha shaqaalaha dawladda

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dhulkaย  iyo guryeynta Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa golaha wasiirada u soo bandhigay qorshaha dhisida guryaha shaqaalaha dawladda.

Wasiir Qambi ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey qaabka iyo nashqadaย  ay noqon doonaan guryahaasi, wuxuuna xusay in wasaaraddu diyaarisay dhulkii laga dhisi lahaa guryaasi

Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dood iyo falaqayn ka yeeshay qorshaha dhisida guryaha shaqaalaha oo noqonaya markii ugu horaysay ee Somaliland ku dhiirato in guryo loo dhiso shaqaalaha dawladda muddo ku dhaw soddon sanno .

Xukuumaddu Somaliland iyada oo ka duulaysa ahmiyada weyn ee shaqaaluhu u leeyahay qaranka xoojinaysana tayeynta iyo taageerada shaqaalaha, waxay arrintani fursad siinaysaa muhiimada shaqaaluhu u leeyahay dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker