Baanka dhexe ee Magaaladda Oodweyne oo si rasmi ah Shaqadeedii u Bilowday
Agaasimaha Guud ee baanka dhexe ee Somaliland ayaa maanta ka qayb galay Madal balaadhan oo loo qabtay furitaanka Laanta baanka dhexe ee Somaliland ku leeyahay Magaaladda Oodweyne oo dabayaaqadii sannadkii tegay uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland xadhiga ka jaray.
Waxaa ugu horayn halkaasi ka hadlay Maamulaha laanta baanka dhexe ee Magaaladda Oodweyne Maxamed Xuseen Axmed waxaanu sheegay inay farxad u tahay in laanta baanka dhexe ee somaliland ku leeyahay Magaaladda Oodweyne ay shaqadeedii si rasmi ah maanta u bilaabantay.
Gudoomiyaha Gobolka Daad-Madheedh Nuur Cismaan Guuleed, Taliyaha Qaybta booliska ee gobolkaas, Xubno ka mid ah Isu-duwayaasha laamaha dawladda ayaa soo dhaweeyay Bilawga shaqada laanta baanka dhexe ee Magaaladda Oodweyne waxaanay u mahadceliyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maamulka sare ee baanka dhexe ee Somaliland.
Agaasimaha Guud ee baanka dhexe ee Somaliland Axmed Xasan Carwo oo gabo gabadii halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay laantani u leedahay qaranka iyo guud ahaan gobolka Daad madheedh waxaa kale oo Agaasimaha Guud sheegay in laantani ay qaban doonto dhamaanba shaqooyinka Maalinlaha ah ee Baanka dhexe fuliyo.
Waxaa Kale oo Agaasimaha Guud ee Baanka dhexe Kulan is xogwaraysi iyo dardaaran ah la qaatay Madaxda iyo Shaqaalaha Laanta baanka dhexe ku leeyahay Magaaladda Oodweyne.