Guddoomiyaha guddiga ka garniqista dacwadaha dhulka ee Berbera oo ka hadlay dacwad dhul oo u dhaxaysa ganacsato reer Berbera ah iyo Nin uu dhalay madaxweynihii hore ee JSL

Guddida ka garnaqa dacwadaha dhulka ee gobolka Saaxil ayaa ka hadlay dacwad dhul oo u dhaxaysa Wiil uu dhalay Madaxweynihii labaad ee Somaliland marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo lagu magacaabo Cali Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo ganacsato reer Berbera ah oo dacwadooda ay xukun dhawaan kasoo saareen.

 

Dhulkan oo ku yaalla magaalada Berbera gaar ahaan eeriyadda xabaashada Aabahii lagu aasay marxuum Cigaal oo  cabirkiisu yahay 600X600 oo mitir, ayaa  la sheegay in 40X40 uu leeyahay Cali Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal inta kalena waxa leh rag ganacsato ah oo lagu magacaabo Farxaan Xaaji Cali Axmed, Ilma Ciise Siciid iyo Xuseen Ciid.  Guddiga ka garniqista dacwadaha dhulka ee Berbera iyo maxkamadda gobolka Saaxil oo saddex bilood ka hor loo gudbiyay dacwadaha dhulkan ayaa go’aamo ka saaray waxana ay cadaatay in uu mulkiyada dhulku uu leeyahay ganacsade Farxaan Xaaji Cali Axmed. Taliyaha booliska Berbera Amiin oo warbaahinta kula hadlay goobta ay hawshani ka dhcday ayaa waxa uu ka warramay sida ay wax u dhaceen waxaanu yidhi “burburkan aaad arkaysaan waxa si lama filaan ah u burburiyay dhalinyaro uu wato Kalan-diid, sabab la’aan ayay u burburiyeen waxaanu ka qaadnay tallaabo sharci ah, dhulkan waxa sifo sharci ah u leh nin maalqabeen ah oo ka mid ah ganacsatada reer Somaliland, tallaabo ayaanu ka qaadnay isaga iyo dadkii uu watayna way xidhan yihiin, shan nin ayaa xidhan iyo hoggaamiyhii watay oo kalan-diid ah”. Taliye aamiin oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in ciidammada boolisku ay ka shaqeeyaan aminiga oo ay shaqo ku lahaayeen, balse waxa uu sheegay inay ku xisaabtamaan sharciga lahaanshiyaha ee ay dawladda hoose u keento waxaanu yidhi “Annagu amni ahaan iyo boolis ahaan waxa aanu ku shaqaynaa dhulka shaqo kuma lihin laakiin sharciga ay dawladda hoose noo keento amma maxkamaadu noo keento ayaanu ku shaqaynaa, tallaabo ayaanu ka qaadaynaa kama ogolin maalin walba inan yar oo meel istaaga oo burburiya oo khalad sameeya kama ogolin ee tallaabo sharci ah ayaanu ka qaadaynaa oo sharciga ayaanu horgaynaynaa” ayuu yidhi Taliye oo warbaahintu wax ka waydiisay cidda leh dhulkan ee sharciga u haysta iyo cidda ku haysta ee doonaysa inay xoogga ku qaadato ayaa waxa uu yidhi “Mulkiilaha halkan leh ee sharciga u haysta sidda ku qoran dhukmantiga waa Farxaan Xaaji Cali Axmed ayaa leh oo sharciga u haysta” ayuu yidhi

 

Guddoomiyaha guddiga ka garniqista dacwadaha dhulka Garyaqaan Maxamuud Ducaale oo warbaahintu wax ka waydiisay arrintan ayaa yidhi “dhulkan annaga dacwadiisu waxa ay na soo gashay muddo dhawr bilood laga joogo waxa noo soo dacwooday Farxaan Xaaji Cali Axmed iyo qolyo kale waxa ay ka dacwoonayeen ilma Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, dhinacii laga dacwoonayay waanu u yeedhnay may iman oo yeedhmadayadii kumay iman, baafin ayaanu samaynay sidda sharcigu yahay Radio Hargeysa in badan ayaa laga sii daynayay iyo Wargeysayada ayaa lagu qoray oo maxkamadu uga yeedhay muddo 45 maalmood ah ayay arrintaasi si joogto ah ugu socotay warbaahinta, sharcigu waxa uu fasaxayaan in dhinicii kale la qanciyo oo la ogolaado in dacwadii la furo, dacwadii waa la furay, hal dhinac ayaa dcwadii ka qayb-galay guddiga waxa la horkeenay dhukmantiyo iyo caddaymo ay ku qanceen guddigu waxa ay ka soo saareen xukun, xukunka soo baxaa baadilna wuu noqdaa saxna wuu noqdaa laakiin dhinaca kale waxa u furan inay racfaan qaataan xataa haddii aanay ka qayb-galin dacwadda muddo bil ah guddaheed, taasina may dhicin oo may qaadan racfaankii oo way iska dhaga-mareen, qoladii kale waxa uu sharcigu siinayaan bil ka dib inay maxkamadda gobolku u samayso fulin, xafiiska ayay soo waydiisteen in maxkamadda gobolka loogu gudbiyo fulintii waa loogu gudbiyay, Maxkamadda gobolku waxa ay mar kale yeedhmo u samaysay dhinicii la dacwaynayay, dhinacaasi maxkamadda laftigeeda uma iman saddex goor ayay qaraaro digniin ahi ka soo baxeen umay iman maxkamadduna waxa ay soo saartay fulin xooggan taas ayaanu sharcigu fulinayaa” ayuu yidhi Guddoomiyaha guddiga ka garniqista dacwadaha dhulka Garyaqaan Maxamuud Ducaale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker