Dalalka Ethiopia Iyo Eritrea Oo Dib Ufuraya Xadka Labada Dal.

Hogaamiyeyaasha Itoobiya iyo Eritrea ayaa dib u furaya xadkii dhulka la isaga tallaabi jiray ee la xidhay labaatan sano ka hor markii ay dagaalka xun galeen labadan dal ee dariska ah sagaashameeyadii.

Arrintan ayaa waddada u xaadhaysa in ay dib u midoobaan kumannaan qoys labada dhinac ku kala xayirmay.

Dib u furitaanka waddada gobolka Zalambesa ee Waqooyiga dalka Itoobiya ayaa dabo socota heshiiskii taariikhiga ahaa ee nabadda ee ay bishii july kala sixiixdeen Itoobiya iyo Eritrea, arrintaas oo soo noolaysay xidhiidhkii dublamaasi ee labada dal oo mar cadaw isu ahaa.

Dib ufuritaanka waddadan ayaa ku soo beegmaysa maalin ku haboon iyadoo labada dalba ay maanta (Talaado) u dabaal dagayaan sannadka cusub.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker