Cali Gurey Maxaad ula hadli weyday Abdiweli gaas waadigii Sokeeyaha ku dheereyn jiraye

Waan salaamayaa dhamaan dadweynaha ku xidhan baraha bulshadda  iyo warbaahintaba.

Salaan ka dib waxaan doonayaa inaan laba erey idhaahdo  Xukuumadda kulmiyaha cusub ee Muuse Biixi ,midna waxaan odhanayaa  Cali Gurey.
Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay  Muuse Biixi waxaan leeyahay  ciridkaan arko ilko kama soo jeedaan  ,sababtoo ah iyada oo  7 bilood mareysa ayey isku dhexyaacday ka waran markay 5 sannadood sidan sii aahaata xaalka dalku sidii ku dambeyn- xaga arrimaha dibada,gudaha, maamul xumadda ,haddii arrimahan taagan ay wax ka qaban weydo meel dheer ayaa dalkan iyo dadkan laga raadin doonaa. Waxaan ognahay In gudoomiyaha xisbiga wadani lagu haystay farmaajo ayuu Hotel kula kulmay ,farmaajo oo aan markaa madaxweyne ahayn ,shalayna  Muuse wuxuu u diray Faysal Cali waraabe inay farmaajo is arkaan shalay muuse wuxuu eedaynaayey  Abdirahan Ciro, isaga faysal waxb  odhan maayo sababtoo ah wax aan kula soo hagaago ma lama yaqaano Inuu yahay  Gudoomiye xisbi mucaarada iyo mid muxaafad toona , shalay wuxuu lahaa aniga  ayaa ku idhi ha ka qayb gelina shirka ,isaga oo sita astaanta xisbi qaran ayuu la kulmay faramaajo.
Cali gurey waxaan leeyahay  waxaad  ku dheereyd  oo bulshadu kugu taaqanay inaad u jawaabto si dhaqso ah mark wax laga sheego Muuse Biixi  ama la soo hadal qaado . Tan iyo intii ay bilaaban tay dagaalka Tukoraq  maalin kaliya wax haddal ah maad odhan,shalay oo ugu dambeysay wuxuu ku maahmaahay  Dr Abdiweli Gaas  haddii Tuug ku soo dhaco miyaad la heshiin Ali yow waxaad ku dheereysaa wax ka sheega Sokeeyaha.
Ahmedbudul
ahmedbudul@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker