Bankiga Aduunka oo Soomaaliya ka fulinaya Mashruuc Ay Ku Baxeyso Lacag Dhan 9 Million.

Dowladd Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Bangiga adduunka ayaa bilaabay mashruuc lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaale ee Soomaliya.

Mashruucan oo la magac-baxay “SURP” oo ah dhismaha kaabayaasha dhaqaale ee magaalooyinka waxaa ku kacaya illaa $ 9 million.

Hindisahan ayaa noqonaya markii ugu horeysay ee dalku marayo imtixaan rasmiya oo horumarinta kaabayaasha dhaqaale ah.

“Kaalinta Bangiga adduuka, waa la shaqeynta dowladda Soomaaliya sidii loo tababari lahaa iyo in dowladda awood u hesho inay islaax iyo horumar gaadho”. Sidaasi waxaa yidhi Hugh Riddell, oo u qeybsanaha Bangiga adduuka ee Soomaaliya.

Mashruucan waa ka faa’ideysanaya magaalooyinka Mogadishu, Garowe, Kismayo iyo Baidoa.  Magaalooyinkaas waxaa loo doortay waa kuwa ay ku badan yihiin dadka ku soo noqonaya ama ku soo barakacaya.

Mashruucan waxaa uu imanayaa kadib markii dowladda Jarmalka ay sheegtay inay horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee Soomaaliya ku bixin-doonto EUR 23.4 million.

Image result for bangiga aduunka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker