Halkan kala Soco Doorashada Maraykanka Oo Meel Xasaasi Ah Maraysa
Shaki kuma jiro inaad in badan maqashay sanadkan codbixinta laga sameynayo boostada.
In la codeeyo iyadoo boostada la adeegsanayo ma aha wax cusub – sanadkii 2016, saddex meel hal meel ayay ka ahaayeen dhammaan codadkii la tiriyay. Balse haatan way ka sii badan yihiin intaas, iyadoo dad badan oo Ameerikaan ah ay doonayaan inay ka fogaadaan inuu ku dhaco xanuunka Covid-19.
Gobollada qaar ayaa bilaabay tiriinta codadka isla markii ay boostada ku soo dhaceen, kuwo kalena kahor doorashada ayaa la tiriyay, halka kuwa ugu dambeeyana isla maalinta doorashada lala sugayay.
Gobollada ay tartanka weyn ugu jiraan Biden iyo Trump – Pennsylvania iyo Wisconsin – waxaa tirinta codadkooda la bilaabay maalinta doorashada, taas oo waqti dheer qaadan karta.
Maamulka gobolka Michigan ayaa ka digay in tirinta codadka boostada ay qaadan karto ilaa Jimcaha.