Shirka Madaxda Afrika iyo Shiinaha oo Maanta lasoo gaba gabeynayo.
Beijing-(OWN)-Waxaa maanta lagu wadaa in lagu soo gaba gabeeyo Magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha shirka wada-hadallada heerka sare ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) oo ay ka qeyb galayaan wufuud ka socota 53 dal oo Afrika ah, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika.
Shirkan ayaa waxaa looga hadlayaa dardar-gelinta xidhiidhka dhaqaale iyo iskaashiga dan-wadaagga ku dhisan ee ka dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Afrika.
Waxa lagu Wadaa in goordhow lasoo gaba gabeyn doono shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika oo haatan ka socda maalintii labaad Hoolka Weyn ee Ummadda magaalada Bakiin.
Hoggaamiyeyaasha iyo wakiillada ganacsatada ee qaybta ka ah Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ayaa ka baaraan dagaya qorsheyaal lagu kobcinayo maalgashiga, fududeynta isdhaafsiga badeecadaha, xoojinta nabadda iyo xasilloonida dalalka Qaaradda Afrika.
WARARKA SHIRKA IS KAASHIGA SHIINAHA IYO AFRICA KALA SOCO OODWAYNE NEWS.COM