Ex Wasiir Xaglo-Toosiye Oo Beenniyay Inuu Tartan Ugu Jiro Gudoomiye-nimadda Xisbigga KULMIYE.

Hargaysa:(OWN)-Wasiirkii Hore ee Caafimaadka Xukuumaddii Axmed Maxamed Siilaanyo,Salleebaan Axmed  Xaglo-toosiye,kana tirsan Xisbigga Taladda Somaliland haya ee KULMIYE,ayaa beeniyay Warar lagu baahiyay Baraha Bulshadda,kuwaas oo lagu sheegayo inuu inuu Salleebaan Xaglo-Toosiye Guclo-orod ugu jiro Gudoomiye-nimadda Xisbigga KULMIYE,ka dib marka uu Jgaaddaas baneeyo Madaxweynaha Somaliland ee haatan Xilka haya Muuse Biixi Cabdi,kaas oo haatan ku fadhiya Kursiga Guddoonka Xisbigga,halka Gudoomiye Ku-Xigeenka 1-aad ee Xisbiguna uu ku jiro Xukuumadda,isla-markaasna uu yahay Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland,Maxamed Kaahin Axmed.

Ex Wasiir Xaglo-toosiye oo Khadka Telafanka kula hadlay Wariye Maxamed Xasan Daacad oo Ka tirsan Bahda Shabakadda Caalamigga ah ee Oodweynenews.com,ayaa warkaas ku sheegay mid been-abuur ah,isla-markaasna ay fidinayaan shaqsiyaad danno-gaar ah ka leh.

Ex Wasiir Xaglo-toosiye,waxa uu intaas raaciyay inuu Maalinta berri qeybaha Warbaahinta uu arrintaas uu si faah-faahsan  ugu bal-balaadhin  doono.

Oodweynenews.com/Hargaysa Office

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker