Amnesty International oo ka dalbatay Dowladda Kenya inay qabato Cabdirashiid Janan
Nairobi (OWN) โย Hayโadda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa qoraal ay soo saartay ugu dalbatay dawladda Kenya inay qabato Wasiirka Amniga ee Jubbland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan, isla markaana ay u gacan geliso dawladda Soomaaliya, si maxkamad loo saaro.
War-saxaafadeed ay soo saartay, ayaa hayโadda Amnesty International ay ku sheegtay in Cabdirashiid Janan loo qabtay โdambiyo cuslusโ 31-kii August ee sannadkii hore loona baahan yahay in caddaaladda la marsiiyo.
Amnesty International ayaa intaas ku dartay in ay ilo xog ogaal ah ka heshay warka ku saabsan in Janan uu ku sugan yahay magaalada Nairobi ee caasimadda u ah daka Kenya.
Seif Magango, oo ah agaasime ku xigeenka Amnesty International ee Bariga iyo Geeska Afrika ayaa yiri: โWax la aqbali karo ma aha in Cabdirashiid Janan, oo lagu tuhunsan yahay inuu masโuul ka yahay dambiyo xadgudub ku ah shuruucda caalamiga ah iyo kuwo ka dhan ah baniโaadamnimada, uu isku dayo inuu ka baxsado caddaaladdaโ.