Madaxweyne Muuse Biixi Oo Amray In La Sii Daayo Suldaan Muddo U Xidhnaa Xukuumadda.
Hargaysa-(OWN)-Wasiirka arimaha gudahaΒ SomalilandΒ Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka dalbadey xeer ilaalinta in la sii daayo Sul Maxamed Muuse Cune oo muddo dheer u xidhnaa xukuumada ka dib markii madaxweyne Muuse Biixi amray sii deynta ninkan .
Wasiir Maxamed Kaahin oo qoraal uu ku socod siiyey xeer ilaalinta uu soo gaadhey Wargeyska Geeska Africa kuna taariikhaysan 1.9.2018 ayaa u dhignaa sidan
” Aniga oo tix galinaya amarka madaxweynaha JSL ee sii deynta eedeysane Maxamed Muuse Cune , hadaba Md Xeer Ilaaliye waxaan halkan kugu socodsiinayaa in aanu kanoqoney eedeynta dacweysanaha kor ku xusan .
Sidaas darteed waxaanu kaa codsaneynaa inaad sii deysaan eedeysanahaas ”
Source:- Geeska