Ragga Somaalida ee shukaansiga garaaca loogu badalo

Waxaa mar kale baraha bulshada Soomaalida lagu baahiyay muuqaal muujinaya gabdho guri dhexdiisa ku garaacaya wiil dhalinyaro ah.

Gabdhaha oo ah ilaa saddex, ayaa la maqlayaa iyagoo leh ‘booliska wac’.

Muuqaalkan waxaa ka sii horreeyay mid kale oo dhawaan baraha bulshada Soomaalida qabsaday, kaas oo muujinaya nin ay garaacayaan labo haweeney, kaasoo ay ka muuqato cabsi weyn mararka qaarna la maqlayo isagoo oynaya oo gabdhaha ka codsanaya inay iska sii daayaan.

Labadan haween oo sida uu ninkan afkiisa ka sheegayo lagu kala magacaabo Shamso iyo Deeqo ayaa la arkayaa iyadoo mid ka mid ah ay ul ku garaaceyso, halka midda kalena ay u muuqato inay muuqaalka duubeyso.

“Sow kuma dhihin ha isoo wicin, ma adigaan maaro kaa waayay, waa ley qabaa sow kuma dhihin?” ayay mid ka mid ah gabdhaha weydiineysaa ninkan.

Sidoo kale muuqaalka ayaa laga arki karaa isagoo loogu handadayo inuu lacag u diro gabdhaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker