Badhasaabka Gobolka Badhan Oo Looga Shakisan yahay Inuu Puntland Ku biirrayo

 

 

Badhan(OWN) waxa muddooyinkan danbe bulshadu si weyn u hadal haysey isusoo dhowaansho iyo xidhiidh intii hore ka debecsan oo dhexmarayey Badhassabka Somaliland ugu magcaaban gobolka Badhan ee Sanaag-bari Cali Xuseen Soomaali iyo Mas’uuliyiin Puntland ah.

 

Waxana sidoo kale maalinba maalinta ka danbaysa hoos usii dhacaysa kalsoonida bulshada degaannada Sanaag-bari ee dhinaca Somaliland, taasoo marnaba aanu badhasaabku isku deyin inuu habayaraatee waxuun dhinaca Somaliland ee uu badhasaabka u yahay uga kasbado quluubta bulshada degaannadaas.

 

Arrimahaas iyo qaar kale marka la eego waxa la odhan karaa badhasaabka gobolka Badhan Cali Xuseen Soomaali wuxu u muuqdaa mid qarka usii saaran inuu ku biiri doono maammulka Puntland.

Oodweynenews.com/Badhan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker