” Maamulka Somaliland, waxaa ka muuqata macangagnimo, awood-maroorsi aan loo meel dayin ..”

Xildhibaan Nuradiin Col-ujoog oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya kana Soo jeeda Somaliland ayaa fariin u diray shacabka iyo madaxda Somaliland.
“Waxaan aad uga walaacsanahay, dhibaatooyinka siyaadeed ee dhawaanahan kajira Somaliland iyo waxyeellooyinka ka dhalankara bannaan-baxyada lagu baaqay in ay berri dhacaan.
Nimanka maamulka haya, waxaa ka muuqata macangagnimo, awood-maroorsi aan loo meel dayin iyo in aan loo naxayn shacabka iyo ciidamada iswajahaya midkoodna; iyada oo la ogayahay dhibaatooyinkii dhacay muddoharaadkii midkan kahorreeyay.

Waxaan ka welwelsannahay , kelmedo u muuqda in lagu carrinayo ciidanka Police-ka, si ay cagta u mariyaan muddoharaadayaasha iyo cidda soo abaabushayba, oo kujira War-saxaafadeedkii ugu dambeeyay ee wasiirka arrimaha gudaha.
Nasiibdarro, haddii xaalladdu halkan soo gaadhay, oo aan la xakameyn.
Waxaan ugu baaqayaa kuwa xukunka haya iyo mucaaradka xil-doonka ahba, in ay muujiyaan masuuliyad, si muddoharaadku aanu u noqon mushkilad murugu laga dhaxlo.

Shacabka muddoharaadaya, waxaan ugu baaqayaan in aanay ciidanka isku maqiiqin. Ciidanka Booliiskuna maskaxda ha geliyaan, in aan iyaga lagu muddoharaadaynin oo markasta ha u tudhaan dadkooda shacabka ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker