6 Budhcad-badeed Soomaali ah oo lagu qabtay isku day afduub oo ay ka geysteen xeebaha gacanta Cadmeed

Lix nin oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin burcadbadeedda Soomaalida ayaa la qabtay kaddib markii ay rasaas ku fureen markab shidaal oo marayay gacanka cadmeed ee ku teedsan xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha.

Budhcad badeeda ayaa rasaas is waydaarsaday koox ilaalo ah oo saarnaa markab lagu magacaabo Crystal Arctic ka hor inta aanay ku fashilmin isku day ay ku doonayeen inay ku qafaashaan markabkan
Budhcad-badeeddu waxa ay ku safrayeen doon yar iyagoo sitay hub iyo jaranjaro, sida ay sheegtay xarunta hawlgallada ganacsiga badda ee millatariga Ingiriiska, taas oo kormeerta marinnada maraakiibta ee Bariga Dhexe.
Burcadbadeedda ayaa ku hubeysnaa qoryaha nooca Kalashnikov( AK 47) iyo baasuukayaal, sida ay sheegtay shirkadda ammaanka ee gaarka loo leeyahay ee Ambrey.

Shaqaalihii markabka la socday ayaan waxba soo gaadhin, balse burcad-badeedda ayaa waxaa soo gaadhay dhaawacyo kala duwan, inkastoo aan la ogeyn inay sabab u tahay is-rasaaseynta.
Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyadoo dhawaan Burcad badeedda Soomaalida ay lacago madax furasho ah ka qaateen Markab ganacsi oo laga lahaa dalka Bangladesh.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker