“Anigaa Ah Madaxweynaha, Ciyaaryahanka & Tababaraha AC Milan” – Ibrahimovic Ka Dib Markii Uu Garaacay Juventus

Zlatan Ibrahimovic ayaa ku kaftamay inuu yahay madaxweynaha, ciyaaryahanka iyo tababaraha AC Milan.

 

 

38 jirkan ayaa rigoodhe saxiixay kulankii ay xalay AC Milan 4-2 ku garaacday Juventus iyadoo Rossoneri ay ka soo kabsatay 2-0 oo ay Juve ku hogaaminesay ciyaarta.

 

 

“Waan ahay duq, taasi ma ahan wax qarsoon. Da’da kaliya tiro. Si fiican ayaan u shaqeynayaa, isku dheelitirnaan fiican ayaan helayaa,

Wax badan ayaan ciyaaray maanta marka loo eego kulankii ugu danbeeyay. Haddii aan daacad u hadlo waxaan dareemayaa inaan fiicanahay, waxaana isku dayayaa inaan caawiyo kooxda si kasta oo aan u awoodo” ayuu Zlatan u sheegay DAZN.

 

 

Zlatan ayaa kursiga keydka fariistay isagoo talo aan kala joogsi laheyn siinayay asxaabtiisa kooxda, miyuu isku diyaarinayaa inuu noqdo tabaabre?

 

 

 

“Waxaan ahay madaxweynaha, ciyaaryahanka iyo tababaraha! Xumaanta kaliya ay leedahay inaan seddexdaas isku noqdo ayaa ah in kaliya ciyaaryahanimo lacag la igu siiyo. Haddii aan halkaan joogi lahaa maalintii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka, markaas waxaan ku guuleysan laheyn horyaalka.”

 

 

 

Juventus ayaa kulankii xalay hogaanka ku hormartay iyagoo 2-0 ku hogaaminayay ciyaarta ilaa daqiiqadii 62aad ka dib goolal ay u kala dhaliyeen Cristiano Ronaldo iyo Adrien Rabiot.

 

 

 

Laakiin Zlatan Ibrahimovic ayaa AC Milan gool u soo celiyay isagoo rigoore saxiixay, waxaa ciyaarta barbareeyay Franck Kessie, iyadoo Rafael Leao uu hogaanka u dhiibay, seddexda gool waxay dhasheen shan daqiiqo gudaheed intii u dhaxeysay daqiiqadii 62aad ilaa daqiiqadii 67aad.

 

 

 

Waxaa ciyaarta hurdo u diray daqiiqadii 80aad Ante Rebic kaasoo dhaliyay goolkii afaraad ee ciyaarta ee ay ku badisay AC Milan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker