Midowga Afrika oo war ka soo saaray rabshadihii ka dhashay dibad baxyadii ka dhacay Kenya

Midowga Afrika ayaa ku baaqday in wada hadal la sameeyo ka dib mudaaharaadyadii mucaaradka ee ka dhacay Kenya oo isku bedelay rabshado ayna ku dhinteen saddex qof tan iyo todobaadkii hore.

Hogaamiyaha mucaaradka Mr Odinga ayaa ku baaqay dibad baxyo ka dhan ah sare u kaca qiimaha maciishadda iyo caddaalad darro ay mucaaradku ka tabanayaan doorashadii dhacday sanadkii hore.

War qoraal ah oo uu soo saaray gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa ku booriyay โ€œinay daneeyayaasha is dajiyaan oo ay wada hadal la galaan si wax looga qabto wixii khilaaf ahโ€.

Waxa uu sheegay in qaabkii ay doorashadu u dhacday sanadkii hore ay ku soo dhamaatay si guul ah, islamarkaana natiijada ay xaqiijisay maxkamada sare ee dalka.

โ€œGudoomiyuhu waxa uu ku celinayaa wada shaqaynta iyo garab istaaga dawlada iyo shacabka Kenya dadaalka ay ugu jiraan ka shaqaynta midnimada qaranka, nabadda iyo xasiloonida dalka,โ€ ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Hogaamiyayaasha diinta ee Kenya ayaa sidoo kale ku baaqay wadahadal shuruud laโ€™aan ah oo dhexmara madaxweyne William Ruto iyo Mr Odinga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker