Akhri Liiska Laba Iyo Toban Wasaarado & Hay’ado Dawladeed Isugu Jira Oo Bulshada Ka Gurta Lacago Aanu Sharcigu Bannayn Kuna Dhicin Khasnadda Dawladda!

Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa fadhigii golaha ee shalay soo hor dhigay warbixin dheer oo daaha ka rogtay liiska hay’ado iyo wasaarado dawladeed oo umadda ka qaada lacago ay Guddidu ku sheegeen kuwo aan sharciga dalka meelna kaga jirin taasi oo ay ku baaqeen in si degdeg ah meesha looga saaro maadaama ay yihiin tacriifado aanay ansixin Golaha wakiilladu qasnadda dawladdana ku dhicin.
Warbixintan oo ay Guddidu ku sheegtay Warbixinta Xisaab Xidhka sannadka 2021 ka waxa ku duugan xogo layaab leh oo ay ku sheegeen lacagaha xaddiga badan ee ay in badan oo ka mid ah hay’adaha dawladdu ka qaadaan dadweynaha kuwaasi oo aan ahayn kuwo sharcigu jideeyey oo ah kuwo baal marsan shuruucda lacag qabashada iyo takaaliifta rasmiga ah. Waxaanay guddidu sheegeen in ay arrintani ka hor imanayso dastuurka qaranka gaar ahaan qodobkiisa 54aad.
Liiska Hay’adaha dawladda oo isugu jira Wasaarado iyo laamo dawladeed oo kale ayaa waxa ay ka kooban yihiin 12 Hay’adood oo dawli ah kuwaasi oo Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland ku sheegeen in ay qaadaan lacago aan sharcigu ogolayn.
Waxa aan haddaba halkan ku soo qaadan doonaa dhammaanba hay’adahan iyo xaddiga lacagta ah ee ay qaadaan iyo sababta ay u qaadaan waxaanay kala yihiin sidan:
1. Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, waxa ay lacag dhan 94,000 ku qaadaan Warqadda caafimaadka. Sidoo kale waxa ay wasaaraddu Shahaadada dhalashada ku qaaddaa lacag dhan 100,000 halka ay warqadda Rifeertada ah ka qaadaan 50,000. Warqadda dalbashada caafimaad dibadeed waxa uu Cisbitaalka weyni ku qaadaa lacag dhan 150,000 oo shilin. Waxa intaa dheer lacagta wasaaraddani ku qaaddo warqadda baadhitaanka cudurka Covid19.
2. Guddida Qandaraasyada qaranka waxa ay sheegeen in ay ka qayb galka qandaraasyada ku qaadaan lacag dhan 300,000.
3. Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxa ay Guddidu sheegtay in ay samaynta ruqsadda hubka fudud ku qaadaan lacag dhan $25. Samynta Kaadhka lumay waxa ay ku qaadaan 50,000. Samaynta Kaadhka cusub waxa ay ku qaadaan 150,000.
4. Wasaaradda Gaadiidka waxa ay samaynta Buugga gaadhiga ee lumay ku qaadaan 100,000. Dublicate Plate-ka 100,000. Buugga gaadhiga cusub 200,000. Samaynta Liisanka gaarka ah 200,000. Samaynta Liisanka Public-ga ah 200,000. Kala wareejinta Gawaadhida 100,000. Iibinta gawaadhida dawladda $100. Qaadashada Buug iyo Bilaydh cusub 100,000.
5. Wasaaradda waxbarashada waxa ay guddidu sheegeen in ay qaadaan samaynta shahaadada dugsiga sare $6. Samaynta shahaadada Dugsiga hoose $6. Tasdiiqinta shahaadada Jaamacadda $10. Tasdiiqinta shahaadada dugsiga sare $10. Rool Nambarka Dugsiga sare $8. Rool nambar Dugsiga hoos dhexe $5. Rool nambarka dugsiga saree e Gaarka loo leeyahay $11. Rool Nambar Dugsiga Hoose dhexe ee gaarka loo leeyahay $20. Beddelka Ardayda Gobollada $5. Fiiga Dugsiyada Hoose Dhexe ee Dawladda 30,000. Fiiga Dugsiyada saree e Dawladda 120,000.
6. Wasaaradda Ganacsiga waxa ay qaadaan samaynta Liisanka cusub 200,000. Cusboonaysiinta Liisanka cusub 100,000.
7. Wasaaradda Qorshaynta Ganaaxa Hay’adaha Liisanku ka dhaco 400,000.
8. Rugta Ganacsiga waxa ay qaadaan Diiwaan galinta Magaca shirkad Ganacsi 400,000. Diiwaan galinta Magaca shirkad Ganacsi shaqsi leeyahay 100,000.
9. Laanta Socdaalka waxa ay qaadaan lacago tusaale ahaan L;acagta File Documents-ka 30,000. Baasaaboorka shaqaalaha dawladda 84,000. Warqadda shaqo galinta 100,000. Warqadda Go Home ka ah 100,000.
10. Xeer Ilaalinta qaranka waxa ay qaadaan Diiwaanka Ganacsiga 100,000. Warqadda Dambi la’aanta 30,000.
11. Wasaaradda Hawlaha Guud: kormeerka Mashruuc kasta oo dawladeed waxa ay ka qaaddaa 5% qiimaha Guud. Ruqsadda shirkad dhisme waxa ay ka qaaddaa 400,000.
12. Maxkamadda Gobolka: Kaalinta kiis qabashada halkii bogba marka kiisku dhammaado 10,000.
Xildhibaan Axmed Cabdi Ibraahim oo Guddida ka mid ah ayaa sheegay in badiba lacagahaasi aanay ku dhicin qasnadda dawladda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker