“Wasiir Page-kii Wasaaradiisa Inan-yar La Wareegtay, Oo Isaguna Guulwaddanimo Kaga Mashquulay …….” Sakariye
“Wasiir Page-kii Wasaaradiisa Inan-yar La Wareegtay, Oo Isaguna Guulwaddanimo Kaga Mashquulay……….” W/Q Sakariye Suldaan
“Waxaan Mardhawayd daawaday Wasiirka wasaarada isgaadhsiinta somaliland oo la waraysanaayo
Runtii waxa ayaan daro ah in uu wasiirku si ka baxsan anshaxa oo jeesjees ah uga jawaabay suaalo laga waydiiyay maalintii mudaharaadka salmiga ah ay dhigaayeen xisbiyada mucaaridku ee ku beegnayd 11-08-2022
Waxaan aad ula yaabay mar la waydiiyay suaal u dhignayd yaa laayay dadkii mudaharaadka salmiga ahaa samaynaayay ee ay dadna ku dhinteen dadna ku dhaawacmeen ?
Waxa uu uga jawaabay si ka baxsan dhaqanka islaamka waxa uu gabi ahaanba daadifeeyay in ay askartu xabad la dhacday dadkii mudaharaadka salmiga ah samaynaayay oo aynu ognahay in ay qaarna dhinteen qaarna dhaawacday
Wasiirka waxaan waydinayaa ma iska yeelyeelba hadalkaagu oo waa ku wiirsi iyo jeesjees dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay mudaharaadkii salmiga ahaa ee ay xisbiyada mucaaridku sameeyen 11-08-2022 mise waa kaa aqoon daro
Waxaan kaloo wasiirka waydiinayaa xagee buu ku danbeeyay pagekii wasaarada isgaadhsiintu oo aynu ognahay in ay gabadh yar oo cadaan ahi jabsatay oo ay la wareegtay ?
Tani waxay ina tusaysaa in wasiirku garan la yahay shaqadiisi kuna jeestay sidii uu dawlada ugu guulwadayn lahaa una difaaci lahaa si indha beelnimo ah
Waxaan leeyahay wasiirka hadalka aad tidhi maanta waa kayd taariikheed oo kuu yaala waxaanay noqon doontaa wax lagugula xisaabtami doono marka dawlad miyir qabtaa timaado
Waxa Qoray Eng Sakariye Abdi Ismail (Sakariye Suldaan) Oo Kamid ah saraakiisha golaha dhexe ee xisbiga waddani