Israel oo weerar waxyeello gaystay ku qaaday Warshad Laga Dhaliyo Qawadda Nukliyeerka oo ku taalla Iiraan
Tehran (OWN) – Wargeys kasoo baxa dalka Kuwait oo lagu magacaabo Al-Jarida ayaa daabacay in Israa’iil ay weerar Internet-ka ah ku qaday warshad soo saarta Nuclear oo dowladda Iran ay ku leedahay magaaladda Natanz. Dowladda Iran ayaana dhacdadaas waxaba kasoo qaadin, balse qubaradu waxay sheegayaan in Bakhaar xasaasi ah oo qalab badan ku jiro ay waxyeelo soo gaadhay.
Ilo-wareed ayaa Wargeyskan aan soo xiganeyno ee Al-Jaridda u sheegay in weerar Internet-ka ah warshaqadda lagu qaaday. Warkaan waxaa uu xidhiidh la leeyahay weerar hore oo lagu qaaday kaabeyaasha biyaha Isra’iil, kaasi oo lagu edeeyay in ay fulisay dowladda Iran.
Sida uu wargeysku ku waramay howlgalladaan waa kuwo cuuryaamin ah. Qaraxyo ka dhacay Natanz iyo Parchin waxaa lala begsaday Bakhaaro lagu keydinayay gaaska UF6 oo lagu bacriminayay Uranium-ka.